Mogadishu(Araweelo News Network)Aabaha Dhalay Sekeriya Xasan Maxamed oo ahaa wiil yar oo gaadhi ka mid ah kuwa Askarta AMISOM shalay ku jiidhay Isgoyska

 

Faloreensa ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay lasoo xidhiidheen Saraakiisha Ciidanka Uganda, isla markaana ay balanqaadeen in ay bixinayaan magta Wiilkaa uu dhalay oo geeriyooday.

Aabaha dhalay Wiilkaa oo magaciisu yahay Xasan Maxamed, ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda BBc-da Laanteeda Afsoomaaliga u sheegay in Wiilkiisa oo Dukaan wax kasoo iibsanaya uu jiidhay Gaadhi ka mid ah kuwa Ciidanka AMISOM, wuxuuna xusay in gaadhiga Wiilkiisa jiidhay si xawli ah u socday, taas oo uu ku tilmaamay mid lagu yaqaan in gaadiidka AMISOM marka ay marayaan magaalada dhexdeeda u socdaan si xawli ah, balse waxa uu sheegay in Saraakiisha Ciidanka AMISOM, lasoo xidhiidheen maanta, isla markaana balanqaadeen in ay xabaal-qodka bixinayaan, wixii intaa ka danbeeyana ay kala tashanayaan xarunta guud ee laga xukumo ciidankooda ee Addis-ababa oo ay jawaab ka sugayaan sida uu sheegay.

Mar la weydiiyay Aabaha dhalay Wiilka in ay Dawlada Somalia cid kala soo xidhiidhay markii uu dhacay Shilkaa, wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Degmada iyo saraakiil kale lasoo xidhiidhay, isla markaana u sheegeen in Wiilkiisa uu ka maqanyahay Soomaali oo dhan. Sidaa awgeed loo baahanyahay inuu qalbigiisa dejiyo oo Samir muuujiyo, isagoo yidhi, “Dawlada qaarkeed way ila soo xidhiidheen, waxayna ii sheegeen in arrintaa la baadhayo oo Wiilkiisa uu ka maqanyahay dhamaan Soomaali oo dhan. Sidaa awgeed uu dejiyo qalbigiisa oo muujiyo Samir” ayuu yidhi Aabaha dhalay Sekeriya oo ahaa Wiilka yare e gaadhigu ku jiidhay Badhtamaha Magaalada Muqdisho.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *