Ciidanka UgandaKampala(ANN)Dalka Uganda oo hormood u ah ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia, isla markaana ilaaliya dawlada taagta daran ee aan weli cageheeda isku taagin, ayaa ku hanjabay inay ciidamada ka jooga Somalia ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab iyo ciidamada ka jooga

wadamo kale oo Afrika ah kala baxayaan.
Wasiirka Amniga ee Uganda Mr. Wilson Mukas iyo Raysal Wasaaraha dalkaa ayaa sheegey in xukuumaddooda qorshaynayso sidii ay  ciidamadeeda ugala  soo baxi lahayd  Somalia,  Afrikada dhexe iyo Congo (DRC), isla markaana ay joojinayaan dhamaan hawlgalada ay ciidamadoodu ka wadaan dalalka dibedda ee mandaqada Afrika.

Mr. Wilson Mukas, wuxuu sheegay inay talaabadaa go’aan ka qaadanayaan golaha wasiiradda ee xukuumadda Uganda sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana dib loo eegayo oo lagu sharaxayo doorka Uganda ee qaramada midoobay. Qorshaha Uganda ciidamadeeda kula  baxay ayaa saameyn ku yeelanaya hawlgalka Midowga Africa ee Somalia ee AMISOM, Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyo Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.

Labada wasiir ee ka tirsan xukuumadda Uganda ayaa sheegey in talaabadan ay jawaab u tahay warbixin Qaramada Midoobay ay diyaarisey oo ay ku eedeysay Uganda inay taageerto falaagada M23 ee ka dagaalama Bariga dalka Congo, taas sida ay sheegeen labada wasiir warbixintaa ka dib Uganda go’aansatey inay ciidamadeeda kala baxdo hawlgalada nabad ilaalinta ee ka socda gobolka, balse may sheegin waqti cayiman oo ay kala baxayaan ciidamada ka jooga debeda.

Uganda waxay eedeynta ku xusan warbixinta Qaramada Midoobey ku tilmaantay wax micno darro ku dhisan, isla markaan aan sal iyo raad lahayn. Xukuumadda Kampala ayaa ku hanjabaysay inay isakaga  baxayso hawlgalada nabad ilaalinta gobolka, iyadoo ku dooday in aan wax tixgelin ah la siin  dadaalkeeda naf  huridnimo ee ay sameyneyso sida uu sheegay wasiirka amniga Muruli Mukasa .
Sidoo kale dawlada Uganda ayaa ka cadhootay hadal kasoo yeedhay wasiir ku xigeenka arrimaha debedda ee Kenya oo sheegey in ciidamo ka badan laba kun laga diley Uganda intii ay dagaalada kula jireen kooxaha Islaamiyiinta ee Somalia. Laakiin Afhayeenka ciidamada Uganda Colonel Felix Kulaigye, ayaa si kulul  u sheegey in Kenya aanay wax shuqul ah ku lahayn inay sheegto tirada ciidamada Uganda ee ku waxyeeloobey dagaalada Somalia.

Dhawaaqa hanjabaada Uganda ayaa kusoo beegmay, iyadoo ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia oo ay hormood u yihiin mudadii ka dhamaatay, isla markaana mudo todobaad ah loogu daray shalay.  haddii Uganda ciidamadeeda kala baxdo dalalka Somalia oo xaaladiisu qasantahay, waxa la saadaalinayaa inay xaaladu faraha ka bixi doonto oo ay meesha ka baxay dawlada aan cagaha adag ku taagnayn ee Somalia.

Sidoo kale talaabada Uganda ciidamadeeda kala baxay Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyo Jamhuriyadda Congo, ayaa lagu tilmaamay mid dhalin karta  dhibaato culus, taas oo caqabad  ku noqon karta  dadaalada la doonayo in nabad lagaga dhaliyo dalalkaa.

Dhawaaqa kasoo baxay Uganda, ayaa siyaabo kala duwan loo fasirtay, waxayna dadka siyaasada indha indheeya qaarkood ku macneeyeen hadalka kasoo baxay masuuliyiinta Uganda mid lagu hor istaagayo warbixinta qaramada midoobay, balse waxa kale oo dhawaaqa cadhada ah ee Uganda debeda soo dhigay khilaaf u dhexeeya Uganda Iyo Kenya oo labadaba ciidamo ka joogaan Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *