Muqdisho(ANN)Qaraxyo sil-silad ah oo is miidaabin ah, ayaa goor dhowayd lagu weeraray Maqaaxi ay ku sugnaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Somalia, kuwaas  oo uu ka mid ahaa Cabdullaahi Xassan Bariise oo ah Afheyeenka

Ciidamada booliska Somalia, isla markaana ah Taliyaha Laanta Baadhista Dembiyada ee CID-daka. wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxyadaa oo ahaa  Laba qarax ay  ka dhaceen goob lagu magcaabo The Village oo ah makhaaayad  ku taala degmada Hodan.

Ilaa hada waxay wararka hordhaca ahi sheegayaan in qaraxyadaa oo ay fuliyeen laba naftii hure, iyadoo goobta rasaas laga maqlayay markii ay qaraxyadu dhaceen. qaar ka md ah dadka goobta u dhow ayaa sheegay in ilaa dhawr qof ku dhinteen halkaa, isla markaana tiro kale oo dhaawac ahi ay jirto, balse Afhayeenka Booliska Somalia ayaa la sheegay inuu ka badbaaday qaraxyadaa, iyadoo aan weli la xaqiijin karin inay ku dhinteen mudanayaasha goobta ku sugnaa iyo qaar ka mid ah saraakiisha Booliska oo goobta joogay.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *