Xasan Sheekh iyo JawaariMuqdisho (Araweelo News Network) Khilaaf culus, ayaa ka dhex curtay masuuliyiinta ugu saraysa dawladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, kuwaas oo

 

ammaankooda lagu ilaaliyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka AMISOM.

Qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, ayaa shalay baahiyey in khilaaf ka dhex bilawday madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisal-wasaarihiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna khilaafku sababay inay yaraato wadashaqayntii ka dhexaysay.

Muranka siyaasadeed ee soo food saaray Madaxda dawlada itaalka daran eeSomalia  ayaa la sheegay inuu markii hore u dhexeeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo ka dhashay markii Madaxweynuhu diiday in maamul loo sameeyo gobolada Bay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya, arrintaas oo guddoomiyaha baarlamaanku dabada ka riixayo.

Waxa kale oo jira in khilaaf ka dhex bilawday madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaraha xukuumada Muqdisho, iyadoo  khilaafkaa lagu macneeyay mid ku salaysan  xulida xubnaha cusub ee la doonayo in lagu kordhiyo Golaha Wasiirrada, iyadoo madaxweynuhu ku adkaysanayo in aan xilka laga qaadin wasiirro ay ku wada jiraan urur-diimeedka Damu-jadiid, isla markaana saaxiibtinimo xooggan ka dhexayso, halka Ra’iisal-wasaaruhuna doonayo in shaqada laga fadhiisiiyo wasiirradaas, beddelkoodana la magacaabo xubno horumar ku kordhin kara dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu xildhibaannada baarlamaanka u gudbiyo xil-ka-xayuubin lagu samaynayo Ra’iisal-wasaaraha, arrintaasoo aan ilaa hadda si rasmi ah ugu hirgelin madaxweynaha, kadib markii ra’iisal-wasaaruhu ku adkaystay in aan xilka laga qaadi karin ilaa la gaadhayo sannadkan 2016-ka oo ah xilliga muddadu ka dhammaanayso dawladda.

Khilaafka xiligan hadheeyey hoggaanka sare ee dowladda ayaa laga yabaa in ay dib-u-dhac weyn ku ku keeno ammaanka yar ee ay heleen dadweynaha magaalada Muqdisho, isla markaana ay arrintaas ka faa’iidaysto Al-shabaab, iyadoo dadweynuhu xilligan isweydiinayaan su’aal ah’ ‘Ciidammada AMISOM ma ammaanka masuuliyiinta dawladda ay ka shaqayn doonaan, mise kala ilaalinta madaxda dawladda ee muranka iyo khilaafka debeda usoo baxay, kaas oo hada u muuqda in uu yahay bilawga bur-burka dawlada Somalia.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *