muuse biixi1Hargeysa (Araweelo News Network)Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin ayaa

 

wadajir u difacay siyaasiyiinta la baxay madasha wadatashiga, kuwaas oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo aan looga baqayn inay dumiyaan Somaliland.

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xus loo sameeyey sannad-guurrada 29aad ee maalinta shuhadada SNM oo sannadkasta 17 October Somaliland laga xuso, ayaa u duceeyey mujaahidiintii SNM ee ku dhintay dagaaladii dib-u-xoraynta dalka, isagoo ku baaqay in marka la isdhaliilayo la iska ilaaliyo hadalada turxaanta leh ee carruurta iyo maatida ka nixinaya, balse si sareexad leh oo aan wax xumaan ah wadan la isku cannaanto.

“Walayaalayaal marka nimanka siyaasiyiinta ahi makarafoonada iska cannaananayaan wax weyn ha u qaadanina, Siilaanyo (madaxweynaha Somaliland) iyo Maxamed Xaashi kala fogaan maayaan, anniga (Muuse Biixi) iyo Xasan Ciise-na kala fogaan mayno, laakiin Xasan Guurow (Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga), markaad madasha ka hadlaysaan waa inaad wax dhowrtaan, annaguna wax dhowrno oo aydaan carruurta ka nixin oo aydaan hadal qadhaadh odhanin, laakiin aynu is cannaanano,” ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin cid hagran karta mujaahidiintii SNM iyo agoomihii ay ka tageen, isagoo caddeeyey in aasaasayaashii SNM  xaq u leeyihiin in taallooyin loo dhiso, lana ixtiraam”.

wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Ma ninbaa korkiisa biyo ka hagrada, ma nin mujaahid ah baa nin mujaahid ah hagran kara. Ma Siilaanyo (madaxweynaha Somaliland). Ma anniga, ma Maxamed Kaahin, ayaa loo tilmaami kara dhibaatada SNM, ma annagaa ah qaar ilooba.? waa kuma ka noo sheegayaa? Waa kuma ka naga dagaal batay? Ha soo baxo ka annaga na cannaananayaa. Xaq bay u leeyihiin aasaasayaashii SNM in la ixtiraamo oo taallooyin loo dhiso, Maxamed Xaashi, Xasan Ciise, Cabdisalaan Yaasiin, karaamo iyo sharaf ayay mudan yihiin, cidna kama qaadi karto oo annaga ayaa ku garab taagan. Siilaanyo ayaa maanta Madaxwayne ah, waa ayo ninka u tilmaamaya dhibaatada uu SNM ka soo maray.”

Waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE sheegay in halgamayaashu yihiin shamac dadweynaha u baxa oo dad kale iftiinsadaan, isla markaana manaafacaadsadaan midhahooda, isagoo xusay in aannu guul gaadhin qof halgan u gala si uu shaqsi haan midhihiisa uga faa’iidaysto.

“Waxaannu leenahay sidii aynu ku soo caano maalay ee ahayd isku dulqaadasho is wadasho iyo wadajir ayeynu wixii aynu tabanayno iyo guusha ku gaadhi karnaa. Waxa xaqiiqo ah taariikhda adduunka oo dhan halgamayaashu waa shamac oo way gubtaan, dadka kale ayaa ku iftiinsada oo ku intifaaca, qofku hadduu halkanka u galo aad ku intifaacdid ma dheereeyo, bal taariihda dib u raac, ilaa asxaabtii halgamaagu dabka ayuu shidaa oo ummadda ayaa ku diirsata, kama xumaado ee weliba wuu sii haggaajiyaa, taa macnaheedu maaha in la duudsiyo dadkii soo halgamay, ummaddu ma qariso xaqeeda, anniga shakhsiyan oo kale marka ilmo yari igu yidhaahdo adeer aan isla kaa sawiro, markaa yaanu ciil qabin ninka mujaahidka ahi marka dhibaato ku dhacdo ee dhaqaale xumo, xabadihii laga saari waayo, waar laguma hagran ee hawsheenaa badan, qabyadeenaa badan, ha ku calool xumaanin oo ku samir,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin oo isna hadal ka jeediyey xuska maalinta 17 October, ayaa sheegay in aanay mujaahidiinta SNM cid gaar ah col la ahayn, isla markaana aan lagaga dhaadhicin karin in Xasan Ciise, Xasan Guure, Maxamed Xaashi iyo Ibraahim Dhegaweyne oo Madasha Wada-tashiga ka mid ah duminayaan qaranka Somaliland ee ay u soo halgameen.
“Qolada SNM-na ma qabno inay cid gaar ah la col yihiin, cid iyaga la col ahina annaga nagama dhaadhicin karto Xasan Ciise, Xasan Guure, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Ibraahim Dhagaweyne ayaa qaranka duminaya, haddana markaynu hadlayno ee abtigay Ibraahim Dhagaweyne yidhaahdo Berbera xoreyn-bay u baahan tahay, Berbera xoreyn uma baahna ee hagaajin bay u baahan tahay,” ayuu yidhi Muj. Maxamed Kaahin.

Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin, ayaa shalay u muuqday rag u diirnaxaya mujaahidiintii ay halga dheer soo wada galeen ee hadda samaystay madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, iyadoo hadalada labadaas masuul ee ka mid ah hoggaanka KULMIYE gacan ka gaysan karaan isku soo dhawaansho dhexmarta dawladda iyo xubnaha mujaahidiinta ah ee mucaaridka ku ah.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *