Lbritain1 flagondon(Araweelo News Network) Warbixin lagu oggaaday in dad lagu qiyaasay ku dhawaad  30 milyan qof oo ku dhaqan adduunka ay ku nool yihiin xaalad addoonsi ah, sida

 

ay sheegtay warbixinta oo ah mid naxdin ah  oo ay soo saartay hay’adda ka hortaga adoonsiga ee magaceedu yahay Walk Free Foundation.

Dalka Britain ayaa ka mid noqday  dalalka safka hore kaga jira adoonsiga, waxayna Cilmi-baadhista arrintan lagu ogaaday oo hay’addan Walk Free Foundation ka samayay 182 dal oo caalamka ah, si gaar ah loogu eegayey dadka lagu adoonsado shaqada ay hayaan iyo kuwo lagu sameeyo xad-gudub galmo iyo falal kale oo ka baxsan Aadaminimada iyo xoriyada aasaasiga ah.

Dalalka dhaqaalaha saldhigga u ah ee Shiinaha iyo Hindiya ayaa loo aqoonsaday inay yihiin labada dal ee guumaysiga xun ka sii jiro, gaar ahaan adoonsiga casriyaysan sida ka xubnaha oo lagala baxo bani’aadamka, shaqaalaha qasabka, guurka jujuubka ah iyo iibinta carruurta.

Khubarada daraasadan qortay waxay sheegeen in adoonsigu si xun uga jiro dalalkan, isla markaanna u baahan yahay in wax laga qabto, waxa kale oo la ogaaday in Hindiya, Shiinaha iyo Pakistan dawladaha ka jiraa aanay jawaab adag ka bixin adoonsiga casriga ah ee dalalkooda ka jira.

Cilmi-baadhe Kevin Balse ayaa sheegay inuu rajaynayo in arrintoodan kor u qaadi doonto in wacyigelin caalamiya laga sameeyo adoonsiga casriga ah eek u baahay bulshooyinka faqiirka ah.

“Waxaannu baadhnay oo cilmi-baadhis ka samaynay in musuqmaasuqu uu masuul ka yahay adoonsiga, kaasoo aasaaas u noqda dambiyo halis ah oo caalamka ka dhaca oo adoonsigu ugu horreeyo,” ayuu yihdi Balse.
Waxa la ogaaday in 10 dal oo caalamka ah 76% bulsho dhan 29.8 milyan oo qof ku nool yihiin nolol adoonsi ah, waxaana dalalkaas ka mid ah Hindiya, China, Pakistan, Nigeria, Ethiopia, Russia, Thailand, The Democratic Republic of Congo, Myanmar iyo Bangladesh.

Warbixintu waxay sheegtay in dalka Mauritania oo ku yaal galbeedka Qaarada Africa uu yahay dalka ugu adoonta badan oo ay ku nool yihiin 160,000 qof oo la doonsado.

Waddamada Yurub waxay warbixintan sheegtay in ay ugu daran yihiin dalalka Iceland, Ireland iyo Ingiriiska oo ay ka jiraan dad la adoonsado oo aan xor ahayn, gaar ahaan dalka Ingiriiska 4,400 qof oo ka kala yimi Africa, Eshiya iyo Bariga Yurub ayaa xaalad adoonsi ah ku jira.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *