Hargeysa(ANN)Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa lala xidhiidhiyay fadeexado musuq-maasuq  iyo inuu lunsaday hanti guryo dawladu ku  lahayd magaalada Berbera. sida lagu baahiyay warbixin wargeyska Jamhuuriya ee kasoo baxa magaalada ku

baahiyay todobaadkan, waxa uu Badhasaabka  Saaxil iibiyay guryo ay dawladu lahayd, kuwaas oo aan loo marin qaabka iyo nidaamka sharciga ah ee waafaqsan dastuurka Somaliland.
Warbixintaa wargeyska jahuuriya oo soo xiganaya xoggo rasmi ah ayaa u qornayd sidan:-  “Xogo sugan oo Jamhuuriya ka helay ilo-wareedyo kala duwan, ayaa daaha ka fayday in Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu iibiyey guryo dawladdu leedahay oo ku yaal magaalada Berbera, halka ay jiraan kuwo kaloo iib lala maaggan yahay.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw-dhaw maamulka Gobolka Saaxil iyo Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in Md. Ramaax muddadii uu xilka hayey uu iibiyey ilaa saddex guri oo dawladdu leedahay oo ku yaal magaalada Berbera, kuwaasoo sida la xaqiijiyey aan iibkooda loo marin nidaamka sharciga ah ee iibka iyo xaraashka guryaha iyo dhulka dawladda.
Sidoo kale, waxay xogahaasi tibaaxeen inay jiraan guryo kaloo iib lala maaggan yahay oo Badhasaabka Gobolka Saaxil gacanta ku hayo.
Badhasaabka Gobolka Saaxil, waxa uu xilligan ku maqan dalka Maraykanka, noomanay suurtogelin in aanu helno si arrimahan wax looga weydiiyo, balse Wasiirka Hawlaha Guud Prof. Ismaaciil Muunin Aare iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud oo Jamhuuriya xidhiidho kala duwan la samaynay si aannu wax uga weydiino iibka guryahan dawladda, waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan, iyada oo wasiirku sheegay in aanu wax xog ah ka ahayn waxa ka jira guryaha dawladda ee la sheegay inuu si hoose u iibiyey Badhasaabka Gobolka Saaxil.
Hase ahaatee, xogaha Jamhuuriya helay ayaa tilmaamay in dhismayaasha dawladda ee badhasaabku iibiyey uu ka mid yahay guri uu lahaa Caymiskii dawladdii Soomaaliya, kaas oo ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay, kaasoo sida la sheegay si hoose looga iibiyey ganacsade weyn oo reer Berbera ah, lagana siisay lacag aan tiradeeda la cayimin, balse lagu qiyaasay ilaa $200,000 doollar (laba boqol oo kun oo dollar).
Waxa kaloo Jamhuuriya ogaaday inuu Badhasaabka Gobolka Saaxil iib u soo bandhigay dhismaha xarunta Jimciyada Mujaahidiinta SOOYAAL ee magaalada Berbera, iyada oo la tilmaamay in badhasaabka iyo ganacsadaha gurigan doonaya inuu iibsado ay kala qaateen lacag horumarin ah, iyagoo mujaahidiinta Sooyaal oo badhtamihii bishii January ee sannadkan 2012 saxaafadda ugu warramay Berbera ay eedeeyeen Badhasaabka ku inuu ka dambeeyo iibka xaruntooda. Waxay mujaahidiintaasi ku doodeen in gurigaasi yahay xarun ay eeganayaan masaakiinta ku waxyeelloobay halgankii dalka lagaga xorreeyey taliskii dhiigyacabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, sidoo kalena aanay sinaba u aqbali doonin in cid gaar ah laga iibiyo.
Xarunta Jimciyadda SOOYAAL ee magaalada Berbera weli kamay bixin gacanta dawladda. Haseyeeshee, sida xoguhu tibaaxayaan Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ku hawlan sidii loo dhamaystiri lahaa iibka gurigaasi oo la sheegay in la kala qaatay qayb ka mid ah lacagta lagu baacayey oo aan xaddigeeda la ogaan.
Xogaha Jamhuuriya helay waxa kaloo ay tilmaameen in Badhasaabku iibiyey guri dawladdu leedahay oo Boqortooyada Ingiriisku ka dhistay magaalada Berbera xilligii gumaysiga, kaasoo qiimo aad u yar laga siiyey muwaaddin reer Somaliland, iyadoon iibka gurigaas loo marin sifaha sharciga ah, isla markaana la marin Guddida Qandaraasyada Qaranka, lamna garan karo qaabka loo iscticmaalay lacagta ka soo xerootay iibka gurigaas oo aan cadadkeeda la shaacin.
Dhinaca kale, waxa jira guri dawladeed oo ay geli jirtay shirkaddii diyaaradaha Somali Airline oo Badhasaabka Saaxil dayactir xooggan ku sameeyey, kaasoo ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen in iib lala maagan yahay, balse lama caddayn karo inuu weli ku jiro gacanta dawladda iyo in si hoose loo xaraashay, maadaama uu jiro boob baahsan oo lagu hayo guryaha iyo dhulka dawladdu leedahay. “ ayaa lagu yidhi warbixinta wargeyska.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *