Nairobi(Araweelo News Network)Weerar loo adeegsaday bambada gacanta oo dhacay Woqooyi Bari Kenya ayaa sababay dhimashada
ugu yaraan 15 qof. weerarku waxaa uu ka dhacay meel u dhow xadka sadex geesoodka ah ee Kenya, Soomaaliya iyo Ethiopia.Sidoo kale weerarkaa ayaa wararku sheegayaan in dad ka badan 12 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo ka dhacay deegaanka laga xukumo magaalada Mandheera, waxaana weerarkaa lala xidhiidhiyay dagaal maalintii Jimcihii halkaas ku dhexmaray laba dhinac oo ka mid ah kuwa isla deegaankaa, iyadoo dagaalkaa ay ku dhinteen lix qof.
Boliiska Kenya waxay sheegeen inay ciidan dheeraad ah u direen gobolkaas, waxaana la sheegayaa in dadku ay deegaankaas ka cararayaan.
Xaalada deegaanka Mandheera ayaa dagaalkaasi ka abuuray cabsi dad deegaanka ah.