Hargeysa(Arraweelo News) Guddoomiyaha xisbul Xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan qadiyada Somaliland loogu habranayn

Raysal Wasaare Britain iyo Madaxweynaha Maraykanka midna, balse ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo shacbiga Somaliland ku hogaaminay sidii looga midha dhalin lahaa qadiyada madax-baanida iyo aqoonsiga ay dunada ka doonay.
Gudoomiyaha Kulmiye Muj. Muuse Biixi  waxa uu difaacay siyaasadda dibadda Somaliland, taas oo sida uu sheegay nuxurkeedu yahay sidii Somaliland oo madax banaani ay beesha caalamka uga mid noqon lahayd.

Guddoomiye Muuse Biixi KULMIYE oo maanta qudbad ka jeediyay xaflad ay Wasaaradda ciyaaruhu abaal-marino ku gudoon siinaysay Ciyaartoygii ugu gool dhalinta badnaa iyo shakhsiyaadkii kaalinta weyn kala qaadatay hirgelintii iyo isku dubo ridkii tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland ee la soo gabo-gabeeyay Jimcihii Todobaadkan oo maanta munaasida loo qabtay ka dhacday Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlaya arrimahaa waxa uu yidhi, “Qodobka innoogu adagi waa Arrimaha dibadda, mucaarid badan baa KULMIYE ku canaanta Arrimaha dibadda, waxaan doonayaa inaan inyar cadeeyo.

 

Maanta dibadda halkee ayaynu maraynaa, waa inaynu is weydiinaa,  Arrimaha dibadda sadexdaas sanadood waxa uu ku socdaa waxa nuxur u ah Khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyay Ankara Raysal Wasaaraha Turkiga hortiisa,  isagoo fadhiyay markii la doodayay ninkaas Xamar xukuma ee Xasan-ka Madaxweynaha Soomaaliya. Garnaqsigeenu wuxuu ahaa kamay dhicin caalamka meel inta la xasuuqay oo diyaaradii halkan ka kacday ay xasuuqday oo haddana lagu odhanayaa iyagaa lagugu ictiraafayaaye’e dhegayso. Khudbadii Madaxweynuhu kula garnaqsaday Raysal wasaaraha Turkiga halkaasi oo Xasan-na fadhiyay taasi ayay ahayd.” Ayuu yidhi Muj. Muuse.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlaya shirkii Dawlada Britain ku qabatay dalkeeda ee Madaxweyne Siilaanyo ganafka ku dhiftay iyo kulankankii uu la yeeshay raysal waasaraha Britain ee shirkaa ku duduuucayay Somaliland, wuxuu yidhi,  “Soomaaliyi waxay wada hadlaysaa marka la aqoonsado wixii gaadhay dalkan iyo xasuuqii ku dhacay, inta ka horeysa waxba la wada hadli maayo. KULMIYE taasi ayaa udub dhexaad u ah. Dad badan baa imika wis-wisay oo yidhaahda KULMIYE,  halkee buu innagu wadaa Raysal wasaarihii Ingiriiskana waa la diiday wixii uu soo jeediyaye’ oo KULMIYE wuu inna gudoominayaa. Maya ayaanu leenahay waxaanu u sheegaynaa kuwa markay wis-wisaan Xamar u cararaya,  ama meelahaasi carcaraya waxaanu u sheegaynaa Ingiriiska Iyo Obama (Madaxweynaha Maraykanka) ugama haybadaysanayno waxaanay ummadayadu doonaynin.

Mid walba si cad ayaanu ugu sheegaynaa waxay ummadayadu doonayso, waxay doonaynaa Somaliland oo madax banaan oo xor ah oo nabad jaarkiisa iyo adduunka kula noolaada.laakiin isagu go’aankiisa iyo xoriyadiisa leh,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay inaanay Somaliland jirin sabab loogu wer-weraa Somaliland inta uu Hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo,  balse  wuxuu xusay in Muxaafid iyo Mucaaridba bulshada looga bahanyahay balan ah inaynu nabadgelyadeena iyo danaheena qaran wada ilaashano, isagoo dhinaca kalena  sheegay mushilada ka taagan Somalia oo uu ku tilmaamay dal aanay nabadi ka jirin oo meel walba ay xabaddu ka dhacayso, halka Somaliland uu sheegay inay tahay wadan nabdoon.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Kulmiye, wuxuu ka hadlay Tahriibta iyo qabyaalada oo uu ku tilmaamay aafo aan loo baahnayn, wuxuuna dhalinyarada uga digay khatarta qabyaaladda iyo cunfigeeda, isagoo dhinaca kalena usoo jeediyay dhalinyaradda inay dalkooda aaminaan oo aany isku biimayn saxaraha iyo badda. 

E-mail jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *