Berbera(ANN)Mudaharaadkan oo socday muddo saddex saacadood ah waxay mudaharaadayaashu dhagxaan ku cidheen wadada halbowlaha Berbera ee hormarta albeerkadda Shida yare illaa iyo xaafadda Findland, kuwaas oo ku gubay taayiro, islamarkaana kala xidhay isu socodkii gaadiidka, iyagoo

 

ku dhawaaqayay weedho ka dhan Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab iyo dawladda Hoose ee Berbera.

Mudaharaadka  ayaa ka danbeeyay hawlalka ay dawladda Hoose ee Berbera saaka ku qaaday qaybo ka mid ah dadka ganacsiga ku haysta hareeraha wadada hormarta hudheelka Shida yare, halkaasoo lagu bur buryay dukaanno iyo kolayo jaad oo faro badan, arrintaasina ay ka cadhaysiisay dadka meherada halkaas ku haystay oo bilaabay inay ka hortagaan hawlgalka dawladda hoose. Haseyeeshee ciidammada booliska, ayaa muddo badan ka dib ku guulaystay inay kala kexeyeen mudaharadaayashan oo ay baneeyaan waddooyinka ay xidheen.
Boqollaal dadweyne oo gadoodsan , ayaa mudaharaad ballaadhan oo ay ku diidanyihiin hawlgal dawladda hoose ee Berbera dhulka kula sintay goobo ay ku gacansa jireen dad danyar ah oo ku hareeraysnaa dhinacyada waddooyinka magaalada dhexmara ka sammeeyay gudaha magaalada Berbera
Mudaharaadkan oo socday muddo saddex saacadood ah waxay mudaharaadayaashu dhagxaan ku cidheen wadada halbowlaha Berbera ee hormarta albeerkadda Shida yare illaa iyo xaafadda Findland, kuwaasoo ku gubay taayiro, islamarkaana kala xidhay isu socodkii gaadiidka, ayaa ku dhawaaqayay weedho ka dhan Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab iyo dawladda Hoose ee Berbera.

Mudaharaadkan ayaa ka danbeeyay hawlalka ay dawladda Hoose ee Berbera saaka ku qaaday qaybo ka mid ah dadka ganacsiga ku haysta hareeraha wadada hormarta hudheelka Shida yare, halkaasoo lagu bur buryay dukaanno iyo kolayo jaad oo faro badan, arrintaasina ay ka cadhaysiisay dadka meherada halkaas ku haystay oo bilaabay inay ka hortagaan hawlgalka dawladda hoose. Haseyeeshee ciidammada booliska, ayaa muddo badan ka dib ku guulaystay inay kala kexeyeen mudaharadaayashan oo ay baneeyaan waddooyinka ay xidheen
Qaar ka mid ad dadweynaha mudaharaadka dhigay oo aanu la kulanay, ayaa noo sheegay inay dawladda hoose shir ay isugu yimaadeen ay isku afgarteen inay laamiga dib uga guuraan laakiin aan laga rarin goobahaas, haseyeeshee duminta saaka lagula kacay ganacsatada ayaa la sheegayaa inuu ka danbeeyay kullan ay maanta yeesheen dawladda hoose iyo maamulka gobolku isla garteen in dadka gacansatada ah laga raro goobaha ay deganyihiin, iyadoo loo diray cutubyo ciidanka booliska ah oo ku wargeliyay in lagu soo ammray inay dumiyaan, kadibna halkaa uu ka dhashay buuq badani oo sababay mudahaaradkaa iyaga oo dadkani ku doodaya in la khiyaameeyay oo la bedelay wixii laysla gartay, gaar ahaan waxay eedooda dusha ka saareen Maayarka Degmada Berbera Cabdalla Maxamed Carab(Sandheere).
Mudaharadkan oo aan si cad loo  ogayn  inay cidi  wax  ku noqotay ayaa sida wararku sheegayaan   loo xidh xidhay dhawr qof oo dumara oo ah ka mid ahaa  kuwii meelaha u dhow goobaha uu  ka dhacay meheradaha ku haystay, kuwaas  oo saldhiga loo taxaabay.

Dhinaca kale Mudaharaadkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa shirjaraa.id oo uu  Duqa Degmada berbera Cabdalla MaxamedCarab saaka ku qabtay xafiiskiisa isaga oo halkaa kaga hadlay waxqabadkiisa ku waajahan soo celinta bilicda magaalada iyo waxa u qoondaysan wakhtiyada soo sacda  waxaana hadaladiisi kamid ahaa”Anagu hadaanu nahay maamulka dawlada hoose ee berbera waxa anu ku tala galnay in aanu magaalada ka sifeyn wax alaale iyo wixii meherado dagan meel aan munaasib aheyn iyo cidii laamiga agtiisa meherado kuhaysta iyo waliba dhismayaasha foolxumadakeeni kara sida cooshadaha iyo jiingadaha waxaananu ku tala jirnaa in aanu soo celino bilicdii iyo ganacsigii ay magaalada berberi caanka ku aheyd. Maayarka oo laweydiiyay bal in uu dadka jilicsan ee waliba aan haysan meel ay uguuraan xal usameynayo amaba uu meelo kale dajinayo ayaa waxa uu ku jawaabay”Horta dadkani waxa ay dagan yihiin meelo aan munaasib iyo meelo ay iyaga naftooduba halis ku jirto si bilaa sharciyana way ku dageen markaa xalka aanu u haynaa waa yaga oo iska guura ileen iyaga dagay meel aanay sharciyn cidina dagi Karin.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *