Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo mihiim ah oo ku taal xaafadda Daami ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa, taas oo isku xidhaysa Xaafadaha Daammi, Sh Nuur ilaa Suuqa Dhexe ee

 

Caasimadda Hargaysa.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo uu dhagax dhigay saldhig cusub oo Boolis oo laga hirgelinayo  Xaafadda Daami oo ka mid ah xaafadaha ay degan yihiin dadka danyarta ah.

Madaxweynaha  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlayey Dadweynaha xaafaddaha Sh Nuur iyo Daami oo ay kusoo dhoweeyeen boqolaal ka mid ah dadweynaha xaafaddahaa oo isugu jira madax dhaqameed, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween, ayaa  sheegay inuu aad ugu farxay sida ay dadweynaha xaafaddu isu abaabuleen ugana shaqeeyeen danta caamka ah, halka sidoo kalena Madaxweynuhu sheegay in dhamaystirka wadadani ay waxtar weyn u tahay xaafadda Sh Nuur, iyo caasimadda Hargaysaba iyo guud ahaan dalka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ballanqaaday in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay gacan buuxda iyo taageero la dhinac istaagto dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee go’aansaday inay danahooda horumariyaan, waxuuna madaxweynahu si weyn ugu mahadceliyey Maayarkii iyo maamulkii hore ee dawlada Hoose ee Hargeysa, kuwaas  oo sida uu sheegay ay xil  isaga saareen horumarinta waddoyinka caasimadda.

Dhinaca kale Munaasabad kooban oo ka dhacday goob laga dhisi doono saldhig Boolis oo Madaxweynuhu dhagax dhigay, waxa ka  hadlay la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo sheegay in Madaxweynuhu yahay kii ugu horeeyey ee soo booqda xaafadda Daami, wadada laamida ah ee maanta xadhiga laga jarayna ay tahay wadadii uu horaysay ee Laami ah ee xaafadda Daami laga hirgeliyo.

Barkhad waxa kale oo uu uga mahadnaqay shirkadda ganacsiga guud ee Al-Nuur oo ah shirkadda bixinaysa dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha saldhiga cusub ee xaafadda Daami, waxuuna intaa raaciyey in cabashadii xaafadda Daami ka jirtay ay halkaa ku soo gebagebowday ballanqaadadii xisbiga Kulmiyena u qaaday xaafadana ay kuwani ka mid ahaayeen.

Madaxweynaha Somaliland oo safarkiisa xaafadda Daami ay ku weheliayeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada, Maayarka xilkiisu dhamaaday ee Caasimada, Maayarka cusb iyo Maayar xigeenka la doortay ee aan xilka la wareegin  iyo taliyayaasha sare ee ciidamada Booliska iyo Asluubta ayaa kulan la yeeshay dadweynaha xaafadda Sh Nuur ee caasimadda Hargaysa, waxaana halkaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha Degmada Saleebaan Samatar Ibraahin iyo afhayeenka gudida horumarinta degmada Gacan Libaax, Maxamed Muuse Habbane.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13be841a640a8e06&attid=0.2&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1356816317426&sads=WlKuiJKuZCGh82BIw7pUelAzRuk&sadssc=1

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *