somalimemo.netMarka(ANN_Dowladda Faransiiska ayaa  qiratay hawlgal ay saaka waaberigii doonayeen inay kusoo furtaan Dennis Allex oo ahaa dhinaca mukhaabaraadka ah oo 2009 malayshiyada Al- shabaab ku afduubeen magaalada Muqdisho. Hawlgal ciidamada sida gaarka ah

 

u tababaran ee Faranca saaka subaxnimadii hore ku weerareen saldhig Al-shabaab ku leedahay Buula Madheedh oo 30km u jirta Marka, ayaa guuldaraystay, kaas oo  sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha debada ee Faransiisku lkhasaare kasoo gaadhay.  

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Faransiiska ayaa lagu sheegay in labo katirsan ciidanka Komaandooska Faransiiska lagu dilay dagaal ay ciidanka wadankaasi lagaleen Malayshiyada haysaray A-shabaab, waxayna sheegeen in Askari ka mid ah ciidanka khaaska ah ee hawlgalkaa fulinayay iyo sarkaalkii afduubka loo haystay ee ay doonayeen inay soo badbaadiyaan lagu  hawlgalkaa oo ka dhacay
tuulada Buulo Madheedh ee Koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay qaadeen weerar ay ku badbaadinayaan qof Faransiiska u dhashay oo lagu afduubay Soomaaliya 2009kii
Gaashaandhoga Faransiiska waxay intaa ku dareen in Toddobo iyo toban islaamiyiinta Al-shabaab ah lagu dilay weerarkaa oo socday 45 daqiiqo, kaas ay fuliyeen diyaaradaha helikontarka kuwaas  oo fadhiistay xalay waaberigii saldhig ay Buula Madheedh ku leeyihiin xarakada Al-shabaab.

Hase yeeshee A;-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay in hawlgalkaa lagu jebiyay ciidanka Faransiiska oo lagaga laayay askar ka  mid ah kuwii weerarka soo qaaday, isla markaana waxay beeniyeen in ay Al-shabaab dileen ninka ay gacanta ku hayeen oo uu weli noolyahay.oo bedqabo.Denis Allex ayaa lagu afduubay magaalada Muqdisho sanadkii 2009kii, kaas oo sarkaal kale oo xiligaa lala afduubay madaxfurasho lagu sii daayay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *