Hargeysa(ANN)Ganacsatada saamilayda ku ah dhismaha warshada Sibidhka ee Saaxil Cement Factory oo ay uu hormuud ka yahay mulkiilaha shirkadda wadaniga ah ee DAHABSHIIL, ayaa kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen ku caddeeyey in aanay warshadaasi ahayn mid cid gaar ahi leedahay ee

 

ay ka dhaxayso ummadda Somaliland oo dhan.
Kulan  maanta ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka  qaybgalay  ku dhawaad boqol xubnood oo ahaa mulkiilayaasha, ama wakiillada hal-doorka ganacsiga Somaliland, kuwaas oo ka soo kala jeeda dhammaan gobollada dalka, waxa ka sheegeen in warshadda sibidhka ee la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Berbera u furan tahay cid kasta oo ka qaybgalaysa, isla markaana aanay ahayn mid u xidhan shirkadda Dahabshiil oo keliya.
Mulkiilaha shirkada DAHABSHIIL Maxamed Siciid Ducaale ayaa sheegay inay u hawl-galayaan sidii ay warshadaasi u hirgalin lahaayeen, isagoo sheegay inaanay jirin Buur ay xoog ku qaadanayaann oo Sibidh ahi “Waxaanu u hawl-galaynaa inaanu warshadaasi hirgalin doono, bogcadii laga dhisi lahaana dawlada ayaanu ka sugaynaa inay noo joogsato”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ma jirto adduunka dad maalgashiga
diidaa, dadyow anagu cid duri-mayno inaanu dalka wax ka qabano ayaanu doonaynaa”

Maxamed Siciid Ducaale waxa uu beeniyey in la siiyay buuraha sibidhka Berbera “Buur lana siiyay ma jirto anaga Liisan ayaa lana siiyay, kaabado lanaga burburiyeyna ma jirto, dhul lana siiyay iyo Buuro la noo xaydaabayna ma jiraan, buurna cid ma qaadan karto, buur dawladu na siisay oo aanu ku muransanahayna ma jirto, shirkadan (Warshada sibidhka) maaha wax cid gaar ahi tuurta ku sidato” ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey “Anagu gobol iyo cid aanu u ujeedno ma jirto iyo meel aanu qabsanaynaa, dawladii sharciga na siisay waanu u mahad naqaynaa, waxaanuna u soo faydanay inaanu dalka wax ka qabano. Maxamed Siciid waxa uu sheegay in aannu qorshahoodu  ku koobnayn warshadda sibidhka oo keliya, balse ay ku talo jiraan sidii ay dalka uga samayn lahaayeen warshado kale oo wax-soo-saar oo dadweynuhu wada leeyihiin ee aan iyaga gaar u ahayn.

Afhayeenka Warshadda sibidhka Berbera Ismaaciil Xaaji Cabdi Ducaale oo ugu horeyn ka hadlay kulankaa ayaa faahfaahin ka bixiyay ku tallo-galka dhimaha warshada sibidhka “Waxaanu aaminsanahay inaanu samayno warshad weyn oo casri ah, dadka wadayaana waa dad khibrad leh, warshadaasina waa warshad aan deegaanka fasahaadinayn, DAHABSHIIL-na waxa uu doonayaa inuu isku keeno maalgashatada
warshada oo uu noqdo xanjadii isku hayn lahaa”ayuu yidhi afhayeenku waxaanu intaa ku daray in dadka doonaya inay saamiyada iibsadaan aad u badan yihiin “Dadka Maalgashiga doonayaa aad ayay u badan yihiin”.
Shirka jaraa’id ee ay Dahabshiil kaga hadashay hirgalinta Wershadaasi iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay bulshadu ka qayb qaadato waxa ka hadlay Ganacsato kale, kuwaas oo dhamaan gobolada dalka
Farxaan Xaaji Cali oo ah Mulkiilaha Telefiishanka madaxa-banaan ee HCTV, kana mid ah ganacsatada doonaya inay maalgashiga shirkadan ka qayb-galaan ayaa isaguna sheegay in marka maalgashi lacag badan ku baxayso loo baahan yahay baanan caalami ah taana uu Dahabshiil fududaynayo “Marka maalgashi la galinayo dal aan la aqoonsanayn waxa loo baahan yahay bangi caalami ah, markaa Dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaaye ninkii Soomali ugu lacagta badnaa ayaa hormuud u ah, maamulka warshaduna Dahabshiil wuu ka madax-banaan yahay” ayuu yidhi.
Ganacsadaha Maxamed Baarjeex oo isna ka mid ahaa shakhsiyaadka halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anigu waxaan cadaynayaa in warshada sibidhka Berbera  in la wada leeyahay, Shirkaddu waxay noqon doonta wax la wada leeyahay, waxaanay maasuliyadeedu saaran tahay cidaa masuulka ah umadda ee ay dadku wax u dhiibteen waa dawlada, cida ay siiso iyo siday wax u qeybsadaan dawlada ayey u taala oo sharciyadeeda way sameysay oo ganacsatadu sida ay wax u wada yeelan lahaayeen inay ka wadahadlaan ama cid quudareynaysa oo badani dibadda ha taagnaadaan ama halkan ka fadhiyaan.” Ayuu yidhi Baarjeex.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *