Hargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyihii Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal oo kasoo baxa Hargeysa Maxamed Jaamac Caloolay ayaa

dhaawac loo geystay. Kadib markii laba Nin oo aan la aqoonsan gudaha u galeen xarunta dhismaha wargeyska oo ku taal duleedka Togdheer ee afaafka Laagta Xaafada Goljano.

Dad ku dhowaa xarunta wargeyska ee weerarka lagu qaaday ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelo News in ay maqleen sanqadha xabad ka dhacday gudaha wargeysa oo ay ku sugnaayeen hawlwadeenada qaarkood, waxaana markaa ka dib la ogaaday in lasoo hujuumay xarunta wargeyska oo ay soo galeen laba Nin oo wejiga soo duubtay, isla markaana sita Baastoolado iyo Bakoorado, kuwaas oo dhaawac dagaal gacanta ah u qaaday Gudoomiyaha Hubaal Maxamed Jaamac iyo hawlwadeenadii ku sugnaa goobta.

Waxaa dhaawacyo kala duwan  soo gaadheen Maxamed Jaamac Calooley iyo mid ka mid ah hawlwadeenada goobta joogay, iyadoo la qabtay labadii Nin ee weerarka soo qaaday mid ahaan, balse kii kale baxsaday.

Sarkaal ka tirsan  Booliska ayaa u sheegay Araweelo  News in la qabtay hal Nin oo ka mid ahaa labada Nin ee weerarka ku qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal.

Dhacdada noocan ah oo ku cusub xarumaha warbaahinta madaxabanaan iyo suxufiyiinta Somaliland, ayaa abuurtay dareen hor leh, iyadoo suxufiyiinta warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland six or ah hawshooda u gudanayeen tan iyo markii ay Somaliland dib uga bilaabantay saxaafada xorta ah 1991, marka laga yimaado cadaadisyo iyo isku dayo cabudhin iyo cagajuglayn marar badan xabsiga loogu taxaabay Suxufiyiin badan xukuumadihii soo maray Somaliland.

Talaabada noocan ah ayaa u muuqata mid la doonayo in lagu cabsi geliyo dhiiranaanta qalinka iyo xaqa xoriyada saxaafada madaxabanaan oo sumcad iyo guulo waaweyn u horseeday Somaliland, balse dhacdooyinka noocan ah ayaa u muuqda kuwo horseed u ah waxa ka dhacaya Soamalia oo in ka badan sodon suxufi lagu dilay sanadii u danbeeyay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *