Maxkamada Gobolka Jigjiga oo Galabta Xukuntay Kooxdii Somaliland Kasoo DuushayJig-jiga(ANN) Maxkamad sare ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee Jig-jiga ayaa maanta xukuno ciqaab ah oo kala duwan ku riday 45Muwaadin oo u dhashay Somaliland, kuwaas oo ciidamada booliska Jig-jiga badhtamihii  bishii hore ee Oktoobar ka qabteen deegaanka

duleedka Bali-gubadle. Kadib markii dagaal ku dhexmaray deegaanka Yoocaale dad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda deegaanka Bali-gubadle iyo kuwo kasoo jeeda Qabribayax.
Dadka xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda deegaamadaa ayaa isku dhacyo soo noqnoqday u dhexeeyeen mudo dhawr sanadood ah, kuwaas oo sababay  khasaare dhamasho  iyo dhaawac labada dhinac ah, balse isku dhacan u danbeeyay ayaa Booliska Kililka Shanaad  qaab siyaasadaysan u dhigeen. Kadib markii ay qabteen 57 qof oo kasoo jeeda Deegaanka Bali-gubadle, kuwaas oo ay xabsiga Jig-jiga u gudbiyeen iyagoo ku tilmaamay argagixiso kasoo talawday xadkooda oo weerar kusuoo qaaday maamulkooda.
Muwaadiniinta oo ahaa 57 qof, ayaa maanta lasoo taagay Maxkamadda Sare  ee Jig-jiga oo ah xarunta Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, balse sida ay baahiyeen warbaahinta dhinaca Internetka ee taageera maamulka Kililka shanaad 45 ka mid ah dadkaa ayaa maxkamaddu ku riday xukuno ciqaab ah oo kala duwan markii sida ay sheegeen garsooruhu dhegeystay waxyaabaha lagu eedaynayo.
Waxaana sida lagu faafiyay shebekadaha taageera maamulka Kililka 10 ka mid ah raggaa u dhashay Somaliland lagu xukumay midkiiba 25 sanadood oo xabsi ah,  halka 32 ka mid ahna lagu xukumay midkiiba  15 sanadood oo xadhig ah, iyadoo laba ka mid ahna lagu xukumay  midkiiba 5 sanadood oo xabsi ah, isla markaana hal qof oo ka mid ah dadkaa lagu xukumay  xabsi daa’in. kadibna lagu celiyay  markii lagu riday xukunadaa gebi ahaan xabsiga.
Wararka lagu baahiyay shebekadaha taageera maamulka Kililka shanaad laguma sheegin 12 qof oo tirada dadkaa ka maqan in la xukumay iyo in dib loo dhigay xukunkooda, ama lasii daayay.
Xukuumadda Somaliland ayaa dagaalada isku dhaca ee bishii hore dhexmaray dadkaa deegaanka kala hadashay maamulka Kilika shanaad iyo masuuliyiinta Ethiopia, isla markaana Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hor intii aanu todobaadkii hore ka bixin dalka koox salaadiin Somaliland ah u diray xalinta colaada ka aloosantay deegaanka Yoocaale ee u dhexmartay dadka deegaanka Bali-gubadle iyo Qabribayax.
Dhacdada labada deegaan ee isku dhaca ayaan ahayn wax cusub, basle waxa xaalada waqtigan si weyn wax uga bedelay qaabka loo maamulay ee Maamulka Kililka shanaad u waajaheen, taas oo si cad u muujisay inay isku dhaca labada deegaan siyaasadeeyeen, isla markaana u adeegsadeen awood dawladeed, taas oo saamayn xun ku yeelan karta xaalada guud ee amaanka  deegaanka iyo bulshada . Sidoo kalena abuuri karta khilaaf soo kala dhexgala wada shaqaynta Somaliland iyo ismaamulka Kililka shanaad, kaas oo u gudba maamulka  Federaalka ee Ethiopia.
Maaha markii u horaysay ee tan iyo sanadii u danbeeyay markii xadka Ethiopia la wadaagto Somaliland la keenay ciidmada lagu magcaabo Luyuu Boolis ee ay ka hawlgaleen, qaabka hawlgalkooda uu ka dhasho muran iyo khilaaf soo kala dhexgala  Somaliland iyo Kililka shanaad, isla markaana u gudba Xukuumadda Federaalka Ethiopia, balse bilihii lasoo dhaafay ayay Luyuu Boolis  ka afduubeen  gaadiid ay Somaliland leedahay oo ay ku jiraan gaadhigii taliyaha sirdooonka Somaliland iyo laba sarkaal, balse markii ay xaaladu farah ka bixi gaadhay waxa arrintaa soo kala dhexgalay madaxda sare ee Federaalka oo amar ku bixiyay in lasii daayo gaadiidka iyo saraakiisha iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin.
omray Xabsiga Dhexe ee Magaalada Jigjiga ayaa maanta 45 ka mida la soo joojiyay Maxkamada Sare ee Gobolka Jigjiga halkaasoo qalinka lagu Asteeyay Xukunkooda,ka dib Markii uu fadhiga Garsoorka Ciqaabtu Dhagaystay eedaymihii lagu soo oogay Danbiilayaasha,Daalacdeena Cadaymihii Markhaatiyadiiba.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *