Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Oo Sheegay In Ay Buuxinayaan Xubinimadii Maayarka Berbera Iyo Xubin KaleHargeysa(Araweelo News Network) Xisbiga Mucaaradka ee UCID ayaa sheegay in maamuus ka xayuubin lagu samaynayo Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Xubin kale oo

dhowaan xisbiga muxaafidka ee Kulmiye u qabtay xaflad soo dhowayn ah. Kadib markii ay ku biireen xisbigaa.

Afhayeenka Xisbiga UCID Garyqaan Muuse Ismaaciil Qardhab oo maanta waraysi kooban siiyay shebekaddaha mataanaha ah ee Arraweelo.com iyo Araweelo News ayaa sheegay in maamuus ka xayuubin lagu samaynayo labadaa xubnood. Kadib markii sida uu sheegay ay ku gefeen Xeer14 oo tilmaamaya xildhibanada iyio xubnaha kasoo baxa asxaabta siyaasada.

“Arrintaa komishanka ayaanu u gudbinay, komishankuna wuu aqbalay, waxaanuna gudbinaynaa labadii xubood ee ku xiggay, waxaana loo dhaarinayaa xildhibaano’” ayuu yidhi Garyaqaan Muuse.

Wuxuuna mar la weydiiyay in laga aqblay labadaa xubnood iyo in kale yidhi,” anaga xeer 14 ayaa na siinaya awoooda, haddii xeerka la fulinwaayona ciddii xeerka ku fadhidaana waxba kama jiraan ayay noqonay, sababtoo ah xeer 14 ayaa tilmaamaya in ay xubnimada waayayaan xildhibaanada ka baxa xisbi ay kasoo baxeen. Sidaana ayay ku waayeen labadaa xubnood xubinimadoodii, waana soo buuxinaynaa booasakoodii.”ayuu yidhi Garyaqaan Muuse Qardhab.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Muuse Qardhab, oo la weydiiyay waxa ay u hayaan in labadaa xubnood ku biireen xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye iyo waxa u diidaya in qofku fekerkiisa xor u yahay sida dastuurka ku cad, waxa uu sheegay in kasta oo xisbiga Kulmiye gadaal ka sheegay in aanay labadaa xubnood kusoo biirin, balse taageerayaal kusoo biireen xisbiga. Laakiin Ucid ahaan ay arrintaa u hayaan dukumentiyo cad iyo codadkoodii oo maqal iyo muuqaal ah.

Dhinaca kale Afhayeenka UCID, wuxuu soo dhoweeyay safarka Madaxweynaha ee dalka Turkiga iyo dhismaha wadada Ceergaabo oo uu sheegay in ay xisbi ahaan diyaar u yihiin sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen, balse waxa uu sheegay in ay haboonayd in Madaxweynuhu mucaaradka cid ka kaxaysto.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *