Nairobi(ANN)Booliska dalka kenya ayaa ka digay in xarakada Al shabaab ee dhowaan ka baxay Magaalada Kismaayo ee Koonfurta  Somalia  ay  weeraro iyo qaraxyo ay u adeegsadaan dumar ka geystaan dalka Kenya.

Afhayeenka ciidamada Booliska dalka Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay inay hayaan xog ku saabsan in Al shabaab ay qorshaynayaan in ay falal argigixisinimo ka fuliyaan safaaradaha dowladaha reer galbeedku  ku leeyihiin dalka Kenya iyo sidoo kale xafiisyada dalka Kenya ay ka daganyihiin hey’adaha caalamiga,  hotellada, suuqyada, maqaaxiyaha iyo goobaha kale oo ay dadku isugu yimaadaan,  Afayeenka Booliska Kenya, wuxuu  sheegay in Al shabab ay bedeleen taactikadii lagu yaqiinay oo ay la soo baxeen farsamo ah in dumar ay u adeegsadaan falalka ay ku dhaqaaqayaan ee qaraxyada is miidaaminta ah.

Eric Kiraithe afayeenka Booliska  kenya waxa kale oo uu sheegay in hey’addaha sirdoonka dalka Kenya maalmihii la soo dhaafay ay heleen warbixinno muujinaya in wadamada ku yaala bariga Africa ee  kenya ka mid tahay Al shabaab ay qorshaynayaan inay ka fuliyaan falal argigixisinimo ah, taas oo sida uu sheegay ay kaga aar gudanayaan  Al shabaab weeraradii sababay in laga saaro meelo badan oo Somalia oo ay gacanta ku hayeen. kadib markii ciidmada Kenya oo kaashanaya ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM dagaalo dhexmarayeen tan iyo Oct, sanadkii hore markii ay Kenya ciidamadeedu soo galeen jubooyinka Somalia oo Al-shabaab gacanta ku haysay, balse ay khasab ku noqotay inay maalmihii lasoo dhaafay gebi ahaanba ka baxaan magaalada Kismaayo oo ahmiyad weyn u lahayd kooxdaa.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in dalalka Uganda, Brundi, Ethiopia iyo Djibouti oo ka mid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Somalia ay cabsi taas oo kale ah soo waajahday tan iyo markii ay Al-shabaab ka baxday Kismaayo, iyadoo kooxda Al-shabaab qaraxyo maalmihii lasoo dhaafay ka sameeyay gudaha Kenya iyo magaalada Kismaayo oo qaraxyo ka dhaceen markii ay ciidamada huwantu gudaha magaalada, balse si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay weeraradaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *