Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo saaray awaamiir uu ku farayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Maayarka Caasmida Hargeysa in

 

aan cidna la siin karin dhulka dhismaha Xisbga ee u dhow Suuqa Idaacada ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay soo baxeen warar sheegaya in dhulka wajahadaha dhismahaa la siiyay dad gaar ah, taas oo keentay inay maanta tabshado ka dhacaan,  iyadoo lala eegtay xiligga kala guurka ee doorashooyinka golayaasha deegaanka la filayo inay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkan.
Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu awaamiirta uu ku socodsiiyay masuuliyiintaa ka soo saaray caawa cawayskii ku amray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland inuu warbixin ka keeno dhulkaa iyofulinta amarkaa.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u qornaa sidan:-   “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Amar ku bixiyey in aan Dhulka ku Xeeran Guriga Xisbiga aan la bixin Karin, la iibin Karin sife kalena loo isticmaali Karin.

Madaxweynuhu waxa uu  ku yidhi xayiraada Dhulkaa:-

Waxaa jirta in Xukuumaddu u qorshaysay baahi Qaran  Guriga Xisbiga iyo dhulka ku xeeran, iyadoo ay hore u jirtay ku talogal naqshad-dhuleedka danta guud ee aan Xukuumadii hore kala wareegay, isla markaana  Madaxweynihii hore ka soo saaray qoraalka summadiisu tahay JSL/M/MHH/241/0506 ee 06/05/06, taasoo u muuqata in aan la tixgelin.

Sidaas darteed, Mudane Guddoomiye,(Duqa Caasimada Hargeysa) ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, maadaama baahi Qaran dhulkaas loo qabo,  waxaan ku faraya in aan dhulkaas la bixin karin waxna laga dhisi karin wajahadiisa, sii jeed & soo jeed iyo dhammaanba Dhulka ku xeeran Guriga Xisbiga.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa la faraya inuu warbixin ka soo diyaariyo fulinta amarka warqadani xambaarsan tahay.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *