Hargeysa(ANN)Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan go’aanka golaha wakiilada Somaliland 9 Nov 2011, ku laa’leen  codbixintii doorashada ee dalka ka dhacday 26 Jun 2010. Waxayna  gudidu si cad u sheegeen inay diiwaangelin la’aan ku qabanayaan

 

doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo in la qabto April 2012.
Af-haeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Xirsi Geelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Laalista Diiwaangelinta oo ay Doorashada soo socoto ku qaban doonaan Diiwaangelin la’aan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,
“Anaga shaqadayadu waa inay Doorasho qabsoonto oo kolba marka muddo la joogo la qabto doorasho si ay dadku u soo doortaan cidii xukumi lahayd. Golaha Guurtiddu wakhtigii ay u qabteen oo ah April, 2012 ee Xeer No: 14 sidaa  ayuu dhigayaa, Madaxweynaha Somalilanda Axmed Siilaanyana dhawr jeer oo uu nagala hadlay waxa uu nagu adkeeyay inay wakhtigeeda dhacdo doorashadu”
Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinku waxa uu sheegay inay diyaar u tahay kharashkii loogu tala galay Doorashada oo uu sheegay inay Somaliland qaadhaan bixiyayaashu ka taakuleeyeen, isla markaana ay iyagu diyaar u yihiin inay qabtaan oo aanay xaggooda waxba ku dhinayn.
Maxamed Xirsi Geelle waxa uu sheegay Diiwaangelintu maraaxil kala duwan soo martay oo ay xumaatay, balse  markii Komishankii hore ay laaleen ay ka maarmi weyday in sharciyadda la mariyo tiina ay Doorashadii Madaxtooyaddu ku qabsoontay, laakiin waqtigan  wadatashiyo badan oo la sameeyay ay sababtay marka la eego hawsha Sixitaanku hawl badan qaadaanayso, isla markaana  laysla  eegay in diiwaangelin la’aan lagu galo iyo inkale sidaa daraadeed maadaama farsamo ahaan aanay suurto gal ahayn in aan loo baajin Doorashadii Diiwaangelinta ee la qabto waqtigeedii, waanuna soo dhowaynayaa go’aanka golaha wakiiladu ku laa’leen diiwaangelintii hore. Ayuu yidhi.
Af-hayeenka Gudida doorashooyinka qaranku  wuxuu sheegay  in markay dib u eegeen muhiimadda Diiwaangelinta iyo xuquuqda Aasaasiga ah ee qofku xaqa u leeyahay inuu Doorasho helo  ay doorteen in la tixgeliyo xuquuqdii muwaadinka. Sidaa awgeed  ayuu yidhi,  “waxaanu qaadanay in bilaa Diiwaangelin lagu galo waana tallo kasoo baxday Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Komishanka.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *