Nairobi (ANN)Dawlada Kenya ayaa ka codsatay dalka Israel inay ka caawiyaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan kooxda Islaamiyiinta Al-shabaab ee Somalia. Raysal wasaaraha dalka Kenya Riyala Odinga oo booqasho ke tegey Israel ayaa kulan ay kaga wada hadleen arrintaa
la yeeshay Madaxweynaha dalka Israel Shimon Bares.Kulankaa ay Kenya kaga dalbatay dalka Israel taageerada Milateri ee ay u raadinayso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ayaa la sheegay inay aqbashay Israel oo ay ka dib markii uu Madaxweynaha Isarel, Shimon Peres, uu wadahadal kula yeeshay magaalada Quddus.
Saraakiil kenyan ah ayaa sheegay in Isarel ay ballan qaadday inay Kenya ka gargaarto wax kasta oo ay u baahan tahay si ay u sugto ammaankeeda gudaha.
Ciidamada Kenya ayaa galay Somalia bishii hore ee Oct, 2011 , kadib markii ay ku eedeysay Al -Shabaab inay ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo ka dhacay dalkeeda gudihiisa, balse duqaymo markaa ka dib diyaaradaha Kenya ka fuliyeen gobolada jubooyinka waxay geysteen khasaare, iyadoo goobaha ay duqeeyeen ay ku jireen xeryo qoxooti oo barakacayaal ku jireen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com