Hargeysa(AAN)Ciidamadda Booliska Laascaanood ayaa gacanta ku dhigay laba qof oo midkood la rumaysan yahay inuu ku lug lahaa dilka magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland loogu geystay doraad Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo

 

lagu naanaysi jiray (Gacamey) oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Soomaalida.

Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay saraakiisha Booliska Somaliland ee Laascaanood, labadaa Nin oo doonayay inay soo galaan magaalada Laascaanood ayaa laga war helay, waxaana la qabtay ka hor intii aanay usoo gudbin dhinaca magaalooyinka kale ee Somaliland.
Maamulka Puntland ayaa ka codsaday Somaliland in loo soo gudbiyo labadaa Nin, balse weli waxa jira dood ka taagan arrintaa, iyadoo aanay xukuumadda Somaliland weli ka hadlin arrintaa.

Dhinaca kale Ciidanka Booliska Laascaanood, waxay gacanta ku dhigeen Wiil uu dhalay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaraadka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, kaas oo uu sheegay inuu uga shakiyay inuu doonayay inuu ku biiro Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dawlada Somalia iyo ciidamada Shisheeye ee AMISOM.
Gudoomiyaha UCID, Feysal Cali Waraabe ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay qabashada Wiilka uu dhalay ee la xidhay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  ” Inanka anigaa dhalay waxayna wada socdaan Gabadh Reer Wajeer ah, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Booliiska waanu ka wada soconay qabashada Wiilka iyo Gabadha, waayo ma garanayo meel ay tagayaan, laakiin waxaan doonayaa in la hubiyo oo baadhitaan lagu sameeyo” ayuu yidhi.

Eng. Feysal Cali Waraabe waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababta abuurtay shakiga uu ka qabay Wiilka uu dhalay, wuxuuna yidhi,  ” Gabadhu waa Reer Wajeer,  markaanu oggaanay inay baxsanayaan ayaanu Baasaaboorkii ka qaadnay, xalay abaara kowdii habeenimo ayay Huteelkii ay deganayeen ka guureen, saaka kowdii ayuu JPS ka Mobile-ku sheegay  inay Burco gaadhi ka raaceen, markaa nasiib wanaag Laascaanood ayaa lagu qabtay, waxa aad moodaa in dabeecadiisii wax laga bedelay oo ay heleen kooxaha Xag-jirka ah. mar horena waxay isku dayeen inay Yaman tagaan,  laakiin waan ka joojiyay” ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *