Mombasa (ANN)Saraakiisha Booliiska Dalka Kenya ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen Labo Nin oo u dhashay Dalka Iiraan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanyihiin
Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.Madaxa booliska magaalada xeebta ah ee Mombasa Mr. Aggrey Adoli, ayaa sheegay jimcihii shalay in labada Nin oo ay ciidamada amaanku xidheen ay u dhasheen Dalka Iiraan, kuwaas oo lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalkaasi xili ay ku dhuumaaleesanayeen.
Aggrey Adoli ayaa intaa ku daray in mid kamid ah Raga la qabtay ee u Dhashay Dalka Iiraan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa fulinta howlgallada magaalo xeebeedka mambaasa ee dalka Kenya, isla markaana laga helay 15 kgr oo ah waxyabaaha loo adeegsado qaraxyada ee budada ah.
Sidoo kale sarkaalka booliska ah ee lagu magcaabo Aggrey Adoli, ayaa sheegay in labadaa Nin ay hada ku xidhanyihiin Xabsi ku yaala Magaalada Nairobi, isla markaana ay damacsanaayeen in ay qaraxyo ka geestaan gudaha Kenya.
Safaarada Maraykanka ee Kenya, ayaa jimcihii heshay digniino sheegaya weero aragagixiso, taas oo sababtay inay dawladda Maraykanku uga digtay dadkeeda inay tagaan magaalada xeebta ku taal ee Mombasa.
Kenya ayaa dagaal culus kula jirta Al-Shabaab. kadib markii ciidamada Kenya galeen gudaha Somalia Oct, 2011, waxayna ciidamada amaanka Kenya xabsiyada dhigeen tan iyo waqtigaa dad badan oo la sheegay in ay xidhiidh la leeyihiin Xarakada Al-Shabaab oo qaraxyo kala duwan oo ay ku sheegeen aargoosi ka fulisay gudaha dalka Kenya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1