Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa ka dayrisay xaaladda nololeed ee dadka iyo xoollaha deegaanada abaaruhu ka jiraan, gaar ahaan gobolada bariga dalka oo ay dadka iyo xooluhuba ku jiraan xaalad laga murugoodo. sidaana waxa shaaca ka qaaday 

madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici), oo sheegay in abaarta iyo biyo la’aanta  ka taagan gobolada bariga Somaliland ay haatan gaadhay heerkii ugu xumaa, isla markaana ay ka sii darayso xaaladda nololeed ee dad iyo duunyaba.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sidaa  ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta  ku qabtay xafiiskiisa,  waxaanu ka dayriyay xaalada  dadka ku dhaqan deegaanadaa oo uu sheegay inay halis ugu jiraan xanuunno iyo shuban ka dhashay biyo yaraanta ceelasha deegaankaa. Kadib markii  ay dadka iyo xooluhu isugu soo urureen meelo kooban. 

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu maanta shirkan jaraa’id u qabanay in aanu ummadda reer  Somaliland u sheegno in hawshii abaaraha biyo-dhaamiskii aanu ka bilownay saddexda gobol ee dhibaatada ugu adagi ka taagan tahay xaga biyaha, goboladaas oo kala ah Togdheer, Sool iyo Sanaag. Waxaanu dirnay saddex guddi oo heer qaran ah oo weftida gobol kasta uu hogaaminayo wasiir ka tirsan qaranku. Anaga oo hawshaa biyo dhaamiska ah ku bilwnay oo aanu ku howl galnay wixii dowladdu ay abaaraha ugu deeqday iyo wixii kale ee aanu sii amaahan karaynayba. Iyada oo ciddii aanu mucaawinooyinka ka sugaynayna aanay waxba gacantayada soo gaadhin hadday tahay Hay’addaha iyo haddii ummaddi reer Somaliland ee aanu u baaqnay ay tahayba, waxaanu ku sii howl galnay wixii aanu gacanta ku sii haynay, saddexdaa gobol ayaa loo kala baxay.  Markaa maanta ummadda  u sheegayaa in biyo dhaamiskii ka socdo saddexdaa gobol ee bariga. “

Cabdiraxmaan Saylici waxa uu ka hadlay xaalada mushkilada Biyo la’aanta iyo baahida dadka abaaruhu saameyeen, isagoo sheegay in aanay mushkiladu ahayn oo keliya biyo la’aan, wuxuuna yidhi,   “Markii  aanu xogtii ka helnay ee wasiiraddu warbixintii soo celiyeenna waxaa meesha ka muuqatay in hawshu intii aanu filaynay ay ka cuslaatay, oo baahidu aanay biyaha oo kaliya ahayn ee baadkiina uu xoolihii ka dhamaaday, biyo yaraantii ceelashuna ay keentay in biyihii ay dhanaan isu rogeen, taasina ay sababtay in ay shuban ku keento caruurtii iyo xoolihii, isla markaana ay xoolihii ku lee’anayaan marka ay biyahaasi calooshooda oo  madhan ku dhacaan.” Madaxwayne ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray “Labada gobol ee xaaladda ugu darina ay ka taagan tahay ee ugu sii dhibta badani waa gobollada Sool iyo Sanaag. Wasirradii gobolka Sool tagay waxay markiiba la kulmeen markii ay Caynba galeenba 180 qoys oo soo barakacay.  Arrintaasi waxay keentay in aanu mar labaad dib ugu baaqno Hay’addaha dalka joogay, kuwaasi oo aanu maanta (Shalay) la shirnay si aanu u dareensiino in dhibaatadii ay u wayntahay isla markaana aanu ku kala warqaadanaynay bal waxa ay gacanta ku hayaan iyo waxa ay sugayaan.”

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu baaq qaylo dhaan ah u diray ummadda reer Somaliland ee ku dhaqan gudo iyo dibadba, waxaanu yidhi “Waxaan ummadda reer Somaliland maatna halkan uga baaqayaa dibad iyo gudaba in dadkooda ay abaaruhu saameyeen ay u soo gurmadaan, anaga oo hore u sheegnay halka lagu soo hagaajinayo kaalmadaas.
Waxaan leeyahay maanta wax dib loo dhigtaa ma jirto ee in nin waliba wixii uu ummaddiisa ku caawin karo ku caawiyo, sababta oo ah hawsha taala ama laga soo warbixiyay waa xaalad adag oo gaadhay in dadku ay soo barakacaan xoolihiina ay ka dhamaanayaan. Markaa qof kasta oo reer Somaliland ah waxaan ugu baaqayaaa in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan, ka dowlad ahaana sidaa kaga hadhi mayno ee waanu wayaynaa dedaalkayaga.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *