Hargeysa(ANN) xukuumadda Somaliland ayaa gebi ahaanba mamnuucday inuu ka hawlgalo gudaha dalka Somaliland Telefishanka UNIVERSA lee laga leeyahay Somalia. sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade,

kadib markii  uu soo saaray qoraal uu ku cadaynayo  in TV-ga Universal ee xaruntiisu tahay London, laga joojiyay inuu ka hawl galo dhammaan gobolada Somaliland oo dhan,  iyadoo joojintiisu  ka danbaysay kadib markii lagu eedeeyay inuu ka baxay  isla markaana jabiyay anshixii iyo xeerarkii saxaafada u yaalay.
Wasiirku waxa uu sheegay in TV-gaasi uu dhaqan ka dhigtay isku dir iyo khal khal gelin lid ku ah sumcada qaranimadda Somaliland.
Wasiirku waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in TV-gaasi uu ka baxay balan qaad qoraal ahaa oo madaxda Universal soo saareen 19-kii Bishii October ee sanadkii la soo dhaafay ee 2010-kii oo ay ku sheegeen inay ku shaqaynayaan dhex dhexaadnimo oo ay dabaqi doonaan anshaxa saxaafadda.
Mr Xaabsade waxa uu intaasi ku daray in TV-gaasi beeniyay muuqaalo been ah oo ay soo bandhigeen muuqaalo mayd aan ahayn dagaalkii ka dhacay Kalshaalle oo ay ku sheegeen in ciidamada Somaliland ay taangiyo mariyeen dad shacab ah 2/3/20011. sawiradaasi oo ahaa muuqaalkii dagaalo ka dhacay magaalada Baydhabo ee  koonfurta dalka Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu Mulkiilaha TV-gaasi ku wargeliyay in laga joojiyay inay ka hawl galaan dalka Somaliland  laga bilaabo maanta oo bishu tahay 10/3/2011. ka dib markii  uu xusay in lagala quustay in ay ku shaqeeyaan  dheelitirka wararka iyo ilaalinta  ashaxa mihnadda Saxaafadda.
Qoraalka TV-gaasi lagaga joojiyay inuu  ka dhex shaqeeyaan  Somaliland waxa loo kala diray Badhasaabadda gobolada iyo Taliyeyaasha qeybaha booliska ee gobolada dalka oo lala socod siiyay inay tallaabo ka qaadaan cidii lagu qabto inay war u dirayso TV-gaas.
Maama markii u horaysay ee Xukuumadda Somaliland shaqada ka joojiso Telefishanka Universal ee laga leeayahay Somalia, balse dhamaadkii sannadkii hore ayaa shaqada laga xayiray telefishankaa, iyadoo lagu eedeeyay inuu qaab khaldan oo aan dhexdhexaad ahayn u shaqeeyo, marka laga hadlayo wararka iyo dhacdooyinka dhinaca Somaliland uu ka tebinayo, balse mudo ka dib ayaa loo ogolaaday inuu dib uga bilaabo Somaliland.
Haseyeeshee dhacdadii dhowaan ee kalshaale deegaanka Buuhoodle ayaa telefishankaa laga baahiyay sawiro aan ahayn kuwa goobta dagaalka dhexmaray Malayshiyada nabad-diidka ee taageerada ka haysta maamulka Budhcad-badeeda iyo ciidanka Qaranka Somalialnd, iyadoo lagu baahiyay sawiro dad shacab ah oo la jiidhsiinayo Beebeeyo, taas oo ay si weyn uga cadhoodeen qurba jooga Somaliland iyo bulshada guduha ku dhaqaniba. Waxaana Xukuumadda lagu canaantay sababta ay talaabo uga qaadi weyday beenta iyo dacaayadaha aan jirin ee uu baahiyay telefishanka Universal.
Araweelonews Mobile
Somaliland  Office
E-mail. info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *