Hargeysa(ANN)Xaalada Jaamacadda Hargeysa ayaa maanta caadi ku soo noqotay waxaana dib loo bilaabay  waxbarashadii  jamaacadda oo shalay hakad gashay ka dib markii qaar ka mid ah Ardayda Jaamacaddu banaanbaxyo   rabshado watay ka dhigeen barxadda hore iyo qeybo

ka  mid ah gudaha Jaamacada.Banaan baxaasi oo ay kaga soo hor jeedeen maamul ku meel gaadh ah oo loo magacaabay jaamacadaasi.
Ammaanka Jaamacadda Hargeysa ayaa saaka aad loo adkeeyay waxaana la geeyay ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah, kuwaas oo doonayay inay ilaaliyaan dhalinyaradii shalay samaysay rabshadaha hakiyay waxbarashadii jaamacadda.
Guddoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Hargeysa Mubaarig Ibraahim Aar, oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay xaalada jaamacaddu ay degan tahay, waxaanu xusay in waxbarashadii ay jaamacaddu dib u bilowday ka dib markii shalay hakad galay hab socodkii waxbarashada.
Guddoomiye Ku Xigeenku waxa uu ku dooday in mudaharaadkii ardaydu sameeyeen ay suurto gal tahay inay soo abaabuleen dad ka baxsan jamaacada “Waa la is odhan karaa waxa laga soo abaabulay meel ka baxsan Jaamacadda waayo waanu naqaanaa ardaydayada oo waxaasi suurto gal kama aha. Wayse cabiri karaan aragtidooda oo xoriyatul qowl baa jira,”ayuu yidhi Mubaarig Ibraahim Aar.
Guddoomiye Ku Xigeenka oo la weydiiyay khasaaraha dhismaha jaamacada shalay ka soo gaadhay wuxuu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo dhismaha jaamacada soo gaadhay hase yeeshee wuxuu tilmaamay in qeyb ka mid ah muraayadda albaabka hore la jabiyay.
Mubaarig wuxuu sheegay in Guddoomiyihii cusbaa ee jaamacada  loo magacaabay dhowaan Muuse Maxamed Cilmi  uu si caadi ah shaqadiisii u bilaabay, isla markaana ay hawlihii waxbarasho ee jaamacadu si caadi ah u bilaabmeen maanta.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *