wasiir maxamed xaashi
Hargeysa(ANN)Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Gaadiiidka Cirka Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta hortagay  golaha wakiilada si uu sharaxaad uga bixiyo lacag uu sheego inay qaado shirkad gaar loo leeyahay oo lagu

 

magcaabo NASHA, taas oo ah  $10 dollar oo dadka lagaga qaado Madaarada dalka, isla markaana aan ku jirin miisaaniyada qaranka, balse uu xeer usoo samaysatay si uu golaha uga ansixiyo.

Maxamuud  Xaashi ayaa saaka golaha sharaxaad ka siiyay lacagtaa, isagoo ku dooday in lacagta ay qaado Hay’adda  Nasha ee wadaniga ahi ay ku daryeesho mishiinada iyo ilaalada madaarka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu Maanta Golaha keenay oo beryahanba hadal haynteedu ay na soo gaadhaysay lacagta 10-ka dollar ee la yidhaahdo khidmadda nabad-gelyadda (security Charge)-ka. Markaa waxaanu Golaha horkeenay xeer la yidhaahdo xeerka takaaliifta oo ku saabsan ammaanka madaarrada Somaliland oo Golaha Wasiirradu soo ansixiyeen. Xukuumadda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo Wasaaradan aan anigu masuulka ka ahay waxay ka leedahay siyaasad. Madaarradu waa meesha u horeysa ee dal laga soo galo waa marinka ugu horeeya. Lacagtan lagu qaado madaarada wasaaradda ma hoos timaado balse waxaanu dhawaan golaha horkeeni doonaa  xeer  wax ka bedelaya”. ayuu yidhi isagoo kusii adkaysnaya inuu wado qorshe uu doonayo inuu golaha kaga sharciyaysto lacagtaa.

Maxamuud Xaahsi isagoo ka hadlaya madaaradda dalka iyo siyaasada wasaaradda ee ku wajahan, wuxuu yidhi, “Siyaasadda xukuumadda waxa ka mid ah in isbedel lexaad leh laga sameeyo madaarrada dalka. Arrintaasi oo salka ku haysa inay madaarradeenu noqdaan kuwo soo jiidan kara inay hawadeenu noqoto mid laga ganacsan karo si ay dalkeena u yimaadaan dad badan haddii ay dalxiis tahay iyo haddii ay maal-gashi tahayba. Waxaanay taasi u iman kartaa inaynu madaaradeena gaadhsiino heerka caalamiga ah iyo inaynu dabaqno shuruucda caalamiga ah. Waxaanu dedaal weyn ka wadnaa in madaaradeena lagu sameeyo isbedel weyn oo aan hore loogu samayn labaatankii sanadood ee la soo dhaafay iyo in la adkeeyo nabad-gelyadda madaarrada. Nabad-gelyadda madaarradu waxay ka bilaabmaysaa dhabadda ay diyaaraduhu ka haadaan (Run-way)-ga si ay u yaraadaan shilalkiisa iyo khasaaraha ka iman karaaba. Madaarradeenu may lahayn xayndaab xoolaha iyo dadkuba way iska soo geli karayeen.”

 

Wasiirka Duulista oo mudanayaasha qaarkood weydiiyeen su’aalo la xidhiidha lacagta laga qaado dadka dhoofaya oo ay sheegeen inay ku adagtahay, ayaa ku dooday inuu doonayo sidii Madaaradda Somaliland ula tartami lahaayeen kuwa caalamka, wuxuuna  ka hadlay  xeerka ay dhawaan golaha horkeeni doonaan, kaas  oo uu sheegay in ay ujeedadiisu tahay sidii  loogu ansixin lahaa wasaaradda iyo Hay’adda NASHA iibinta qalabka madaarada oo ay hawlohooda ugu qabsadaan, wuuxuna ku faanay wasiirku in madaaradda ay ku xidhaan qalab casri ah oo wax weyn ka taray amaanka iyo adeegayada dhinaca hawlaha madaarka, isagoo yidhi , “ Waad ogtihiin oo qofka Somaliland ka taga aan lagu baadhin Imaaraaka,  halka Somaliya iyo Yemen dadka ka tagana la  baadho” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Wasiirka oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku mashquulsanaa sidii uu golaha wakiiladda uga sharciyayn lahaa lacagtaa, ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah mudanayaasha ka hor intii aan saaka laysugu iman fadhiga uu kasoo xaadiray, isagoo debeda kula soo heshiiyay si loo meel mariyo qorshihiisa, isla markaana dhinaca xukuumadda kasoo waariday xeer golaha wasiiraddu deg deg ugu sameeyeen Khamiistii lasoo dhaafay, kaas oo uu si badheedh ah maanta ugu wargeliyay golaha inuu hor keenay si ay u ansixiyaan.

wasiirka Duulista ayaa hore golaha uga ansixiyay lacag $ 3 dollar ah oo sidan oo kale aan miisaaniyada ku jirin, taas oo ka mid ah lacago ay wasaaraddiisu qaado oo Madaaradda lagu qaado, wuxuuna lacagtaa hore ku sheegay mid xaqal xashiish ah oo lagu nadiifinayo Madaaradda dalka. si kastaba ha ahaatee waxa kulanka maanta ee wasiirka iyo mudanayaasha kasoo dhex baxay inuu jiro heshiis ay debeda kusoo gaadheen oo la xidhiidha meel marinta xeerka uu soo samaystay, kaas oo la filayo inuu golaha wakiiladu u sharciyeeyo maalmaha soo socda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *