Widh-widh(ANN)Xukuumadda Somaliland iyo ergooyinka beelaha dhulbahante iyo garabka hubaysan ee SSC ee ka qeyb galay shirweynaha nabadda ee Widh-widh, ayaa maanta si ramsi ah u kala saxeexday heshiis hor dhac ah oo ka kooban 8 Qodob, si loogu gudbo wajiga labaad ee

wadahadalada shirweynaha nabadeynta.
Heshiiskan hordhaca ah waxa saxeexay dhinaca Xukuumada Somaliland Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahi Cali, ahna madaxa weftiga xukuumada u metalaya wada hadalada shir nabadeedka Widh-widh, dhinaca garabka hubaysan ee SSC waxa u saxeexay Guddoomiyaha Golaha Khusuusiga C/Risaaq Xasan Ismaaciil, waxa kale oo isna wax ka saxeexay madaxa shir nabadeedkan Keyse Cabdi Yuusuf iyo laba Xildhibaan oo ka kala socday Goleyaasha Baarlamaanka kuwaas oo kala ah Md. Maxamed Axmed Barre (Garaad) oo ka socday aqalka odayaasha iyo Md. Maxamed Faarax Qabile oo ka socday Golaha Wakiilada.
Go’aamada Heshiiskan hordhaca ah oo ka kooban dhawr qodob ayaa  u dhignaa sidan:-
1- Shirweynaha Nabadda waxa la isla gartay Nabad iyo midnimo waarta oo dhex marta SSC, Dhulbahante iyo dawlada Somaliland.
2- Shirka Nabadda ee Guuleed waxa la isla qaatay awood qaybsi siyaasadeed iyo wada tashi buuxa, waxaana lagu soo qabyo tirayaa wareega dambe ee wada hadalada shirka.
3- Shirka Nabada ee Guuleed waxa la isla qaatay in wixii ku saabsan arrimo ciidan in looga wada hadlo si hoose gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland iyo Guddida gaarka ah ee shirka Widh-widh.
4- Shirka nabadda waxa la isla gartay in la sii daayo maxaabiista dagaal ee SSC,  isla markaana maxaabiista kale ee loo haysto dambiyada gaarka ah la horkeeno Garsoor lagu wada kalsoon yahay sida ugu dhakhsaha badan.
5- Shirka waxa la isla qaatay in la joojiyo dhul qodista iyo dhul durugsiga aan la ogolayn.
6- Shirku wuxuu ku baaqayaa in la xaliyo shaqaaqadii iyo dhibaatadii ka dhacday Kalshaalle.
7- Shirka Nabadda ee Widh-widh waxa la isla qaatay in ahmiyad weyn la siiyo deegaamada Dhulbahante oo dib u dhac badani ka muuqdo si loo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka,biyaha iyo wixii la mid ah.
8- Shirka Nabada waxa la isla qaatay in si kama dambays ah loo qaato gogol nabadeed oo ay ka soo qeyb galaan SSC iyo dhulbahante inta shirka ka maqani.”
Somaliland.Org

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *