Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda soo saaro isku shaandhayntii ugu balaadhnayd ee uu ku sameeyo xukuumaddiisa oo dhawr caanamaal uga hadhaneen inuu u buuxsamo sannad. Hase yeeshee isku shaandhaynta
la filayo
inuu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyo xukuumaddisa ayaa ah mid la hadal hayay saddexdii bilood ee u danbeeyay, balse dhowaan ayuu Madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku sameeyay is bedel kooban, magcaabis iyo xil ka qaadis. Sidoo wuxuu sameeyay xil ka qaadis guoomiyihii Maxkamdda Sare ee Somaliland, garsoorayaashii maxkamaddaa iyo Taliyihii ciidanka Booliska, taas oo ay weheliyeen agaasimayaal wasaarado kooban ah. Laakiin talaabada ayaa tibaaxaha iyo xogaha dhinaca Madaxtooyada Somaliland sida hoose uga soo baxay sheegayaan inay tahay mid Madaxweyne Siilaanyo la sugayay inuu ku beego maalinta qiimaha baddan ee 26 Jun oo ah maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay mustacmaradii Boqortooyadii Britain konton iyo kow sannadood mudo haatan laga joogo iyo sidoo kale, iyadoo maalintani noqotay maalin mar kale soo gashay Taarikhda shacbiga Somaliland. Kadib markii doorashadii madaxtooyada ee kal hore 26 Jun 2010 ka qabsoontay Somaliland, taas oo ahayd doorashadii labaad ee toos ah ay shacbigu usoo doortaan Madaxweyne tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanineeda 18 May 1991. kadib dagaal qadhaadh oo ay dagaalyahankii hubaysnaa ee SNM la galeen taliskii macangaga ahaa Maxamed Siyaad Barre oo xasuuq, dhac, kufsi iyo duudsi kula kacay shacbiga Somaliland mudadii uu ka talinayay dal weynhii laysku odhan jiray Jamhuuriyadii Dumuqraadiga ee Somalia.
Maalintan oo xanbaarsan taariikho isku beegmay ayaa lala xidhiidhiyay inuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la sugayay inuu isbedel balaadhan iyo isku shaandhayn ku sameeyo xukuumaddisa cusub, taas oo jawaab uga dhigayo isbedelkii ay sida weyn u muujiyeen shacbiga Somaliland doorashadii madaxtooyada ee 26 Jun 2010. Kadib markii ay codkooda ku muujiyeen inay meesha ka saaraan xukuumaddii fadhiidhka ahayd ee kooxdii Daahir Rayaale Kaahin oo mudo sideed sannadood ka baddan oo ay xukunka iyo hogaanka dalka hayeen wax horumar ah keeni waayay, isla markaana ugu danbayntii sameeyay isku dayo baddan oo ay ku doonayeen inay Somaliland ka weeciyaan dhabaha geedi socodka iyo dumuqraadiyada ee Somaliland ku caana maashay mudadii ay jirtay, balsé dhinaca rabitaanka bulshada somaliland ka suurta geliwayday.
Sidaa awgeed xogaha iyo tibaaxaha ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo soo saarayo isku shaandhayn balaadhan oo ku wajahan xukuumaddiisa , waxaana la filyaa inay qorshaha cusub ee madaxweynaha miiska u saaran ay xilkooda ku waayaan masuuliyiin xilal waaweyn ka haya xukuumadda, isla markaana waxay tibaaxaha hordhaca ah ee la xidhiidha qorshahaa cusub ee Madaxweyne Siilaanyo sheegayaan in wasaaraddaha qaarkood qaab dhismeed cusub loo jihaynayo, isla markaana ay masuuliyiin cusub soo gelayaan, waxaana wasaaraddaha sida weyn tibaaxuhu u iftiiminayaan ka mid ah Wasaaradda Arrimaha gudaha, taas oo loo qaybinayo Amniga Qaranka iyo dawladaha Hoose iyo Deegaanka. Sidoo kale wasaaraddaha Gaashaandhiga, Waxbarashada, warfaafinta , Duulista iyo Gaadiidka cirka, Maaliyada iyo ganacsiga ayaa tibaaxuhu sheegayaan in masuuliyiintooda qaarkood xilka ku waayi karaan isku shaandhayntan, kuwo kalena laga bedelayo wasaaradaha ay masuulka ka yihiin.
Waxa iyana xogahani si weyn u iftiiminayaan in aanay isku shaandhayntani ku koobnayn oo keliya golaha wasiiradda iyo wasaaraddaha, balse ay saamyn ku yeelanayso badhsaabada gobolada qaarkood iyo masuuliyiin kale sida Dekedda Berbera iyo Hay’addo kale oo xukuumadda ah.
Maareeyaha iyo ku xigeenkiisa magaalada Dekedda ee Berbera iyo Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa meelaha ka baxsan golaha wasiiradda ee tibaaxuhu sheegayaan inuu Madaxweyne Siilaanyo raaciyo isku shaandhayntaa balaadhan ka mid ah. Sidoo badhasaabka gobolka Sannaag oo aanay wax isbedel ahi ka dhicin tan iyo intii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dalka maamulaysay mudadii sannadka ahayd ayaa la filayaa inay galaafato isku shaandhaynta iyo qorshaha cusub ee Madaxweyne Siilaanyo.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo ayaa xukuumaddiisu fulisay balanqaadyo baddan oo ka mid ah kuwii ay gashay xiligii Ololaha xisbiga Kulmiye, iyadoo wax ka qabatay adeegyada aasaasiga ah ee dhinaca wadooyinka, kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha dawladda, fulinta balanqaadkii bedelaada lacagta giinbaarta Burco, koorsooyinka dhinaca waxbarashada debeda, la dagaalanka musuq-maasaqa iyo garsoorka dalka oo hawshiisu bilaw tahay waqtigan. Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa ku hawlan sidii loo tayayn lahaa shaqqaalaha dawladda, iyadoo dhinaca kalena gudagashay nabadaynta xalinta tabashooyinka dhinaca bulshada Sool iyo Buuhoodle oo hawsheedu waqtigan socoto. Sidaa awgeed talaabadan isku shaandhaynta balaadhan ee la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo soo saaro saacadaha fooda inagu soo haya ayaa la rumaysan yahay inuu ku doonayo sidii ugu danbaynta isugu biyo shubayn lahayd In la helo xukuumad kooban oo tayo leh, isla markaana horumar gaadhsiisa dalka, balse waxaynu ka warsugaynaa qorshaha iyo dhawaaqa ku wajahan arrintaa iyo talaabada u qorshaysan Madaxweynaha ee miiska saaran.
By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com