123Burco(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka dhagax-dhigay mashruuca dhismaha wadada isku xidha magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag iyo Burco.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi ka mid ah xubnaha golihiisa wasiiradda oo booqasho ku maraya gobolada Bariga Somaliland, waxa uu saaka gaadhay  Tuulada (Ina-afmadoobe) ee duleedka dhinaca bari ee Burco, halkaas oo Madaxweyne Siilaanyo dhagax-dhigay mashruuc  lagu dhisayo wadadaa oo ah ta ugu dheer ee isku xidha gobolka Sanaag iyo xarunta gobolada Togdheer ee Burco.

Hadal kooban oo Madaxweynuhu ka jeediyay munaasibada dhagax-dhiga dhismaha jidkaa oo ka bilaabmaya duleedka magaalada Burco, waxa uu ku sheegay in wadada dhismeheedu yahay mid si weyn loogu baahanyahay, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in muwaadiniinta Somaliland ka qayb qaataan dhismeheeda, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in xukuumaddiisa ya ka go’antahay sidii wadadaa oo ahmiyad weyn u leh dadka iyo dalka, isla markaana isku xidha gobolada dalka looga midha dhalin lahaa dhismeheeda.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu saaka ka qaybgalay munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay araday dhamaystay waxbarashadda Jaamacadda Golis  qaybteeda Burco, munaasibadaa oo ay ka hadleen, Masuuliyiinta Jaamacadda, Badhasaabka  gobolka Togdheer Axmed Xaaji C/llaahi Xamarji, xubnaha wasiiradda ee safarka ku weheliya Madaxweynaha iyo shaqsiyaad kale.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *