Muqdisho(ANN)Ciidamada AMISOM Ee nabad ilaalinta u jooga Somalia ayaa manta xabsiga dhigay Yuusuf Siyaad Inadhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii laga xoreeyay Muqdisho, isla markaana

 

xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii ku meelgaadhka ahaa ee soo maray Somalia.
Ma jraan warar sheegaya sababta xadhiga Yuusuf Indhacade, balse waxa jira warar sheegaya in xadhigiisu ka danbeeyay  Kadib markii uu dafiray doorka Ciidamada nabad Ilaalinta ee AMISOM, isla markaana arbush ay ka sameeyeen malayshiyo uu watay  Madaarka magaalada Muqdisho oo uu doonayay inuu ka dhoofo, taas oo ay ka hor istaageen Ciidamada AMISOM. Kadibna qab qabteen Malayshiyadii iyo isagaba oo ay xabsiga u taxaabeen, iyagoo ku ritay gaadiidka qafilan.
Hase yeeshee waxa jira warar kale oo sheegaya in lasii daayay saacado kadib markii uu mudo dhawr saacadood ah ku xidhnaa xerada Xalane ee fadhiisinka u ah Ciidamada AMISOM, iyadoo wararka sii deyntiisu sheegayaan in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ka qayb qaatay sidii xoriyadiisa loogu soo celin lahaa Yuusuf Indhacade.

Dhinaca kale Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa ka hadlay Hub todobaadkii hore  lagala baxay Xarunta Madaxtooyadda Villa Somalia, wuxuuna tilmaamay in Guddi Gaar ah ay u Xilsaareen arrinta ku saabsan Hubka Lagala baxay Gudaha Madaxtooyada, kaas oo  sida uu sheegay ay  dabagal ku haayaan oo ay soo geba gebaynayaan maalmaha soo socda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Ammaanka Baarlamaanka waxa uu meesha Kasaaray in Hub Waaweyn Lagala Baxay Madaxtooyada Baakhaar Ku yaalla, balse  waxa uu qiray in ay Jiro Hub lagala baxay Gudaha Xarunta Madaxtooyada, kaas oo uu sheegay in loo xidhay qaar ka mid ah Askarta ilaalada Madaxtooyada oo la rumaysan yahay inay lug ku lahaayeen hubkaa la xaday.
Sidoo kale  Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Guddiga Ammaanka Baarlamaanka ay wax ka weydiin doonaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sababta ay suurta gal u noqotay in la gurto Hubkii yaalay Bakhaarada Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee Dhaqdhaqaaqa Yuusuf  Indhacade oo ka mid ahaa Hogaamiye mudada ku dhow labaatanka sanadood ka talinayay Muqdisho iyo fadeexada hubka Madaxtooyada ee laga xaday Villa Somalia ayaa muujiyay dareen laga cabsi qabo in qabqablayaashii dagaalka Somalia dib usoo laabtaan, iyagoo taageero ka helaya wadamada ku loolamaya siyaasada Somalia.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *