Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan tuugta iyo dadka ka ganacsada khamriga oo uu tilmaamay inay u qaateen inaanu dalka sharci ka jirin markii  la laalay Guddidii nabadgelyada ee ka baxsanayd

Garsoorka sharciga ah.
Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay maanta oo uu ka hadlayay ka dib markii Maxkamadda Gobolku ay min laba sanadood oo xadhig ah ku riday 71 ka mid ah dadka khamriga ka ganacsada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay halkaasi wuxuu yidhi “Waxaad ogtihiin dalkeenna inay Nabadgelyadu tahay waxa ugu weyn ee hanti ah ee aynu haysano. Nabaddaasi oo shacbigu uu  yahay qeybta libaax  ee ilaashata ee gacanta birta ah ku haysata iyo Ha’yadaha amniga oo  iyaguna aan hadh iyo habeen aan seexanin. Taasi waxay keentay  in doorashooyin si wanaagsan u dhacay ay dalka ka hirgalaan. Waxay keentay  doorashadaasi in madaxdii caalamku ay ku soo qul qulayaan dalkeenna. Laakiin Nabaddaasi cadow bay leedahay, wada jirku cadow buu leeyahay, Nabadda habeenkii lagu seexanayaa cadow bayn leedahay. Waxa cadowgaasi ka mid ah tuugta oo saqda dhexe dadka gidaarada ku dhacaya oo wadooyinka ku qabsanaya oo waliba aan  u naxayne’e tooridda hore ka galinaya intaanu wixii uu ka rabay aanu ka qaadin. Tuugtaasi waxay ka faa’iidaysteen Guddidii Nabadgelyada gobolada ee ka baxsanaa garsoorka markii meesha laga saaray ayay u qaateen inaanu dalku sharci lahayn lagu qabto ka wax dilaya iyo ka wax xadaya. Waxa kale oo iyaguna ka faa’iidaystay dhaqan xumo faro badan waxaad arkaysaan waxa hortiina jirikaano iyo quraarado khamri ah buuxa ee la soo qabtay.”
“Waxa maanta la xukumay  tuugtii magaalada dhibtay ee caanka ahaa,ma aha  in xukun deg deg ah lagu sameynayo ee caadi ayaa loo xukumay waxaana ka wada shaqaynaya sidii dadkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa Ha’yaddihii xukuumiga ahaa, sida Wasaaradda arrimaha Guddaha, Cadaaladda, Diinta iyo awqaafta, Booliska iyo Asluubta.waxaan doonaynaa inaan shacbiga tusno togan khamriga ah ee wadada qul qulaya”ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Wasiirku daakhiligu wuxuu sheegay in khamrigaa  iyo tuugta lasoo qab qabtay ay ku timi dedaal xad dhaaf ah oo ay sameeyeen ciidanka Booliska Somaliland.
Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna ka hadlay halkaa ayaa ka waramay sida Ilaahay u xaaraantinimeeyay khamriga iyo  dhaqan xumadda. Waxaanu ciidanka booliska ku bogaadiyay dedaalka ay ku soo qabqabteen qaar ka mid ah dadka ka ganacsatada khamriga oo uu ku tilmaamay Hooyadda xumaanta.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, oo ka hadlay arrintaa  ayaa yidhi “Waxa hortiina yaala  2566 iyo nus khamri ah xaddigaasi khamriga ahi wuxuu geli lahaa caloosha reer Hargeysa oo qudha. Ubaxkeenii iyo diinteeniina halkaasi ayay ku dhammaan lahaayeen, waxaan ammaan balaadhan u soo jeedinayaa Wasiirrada arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta.waxa kale oo aan bogaadinayaa  Maxkamaddaha sidii ay ahayd u fuliyay ee xukumay dadkii waxan lagu soo qabtay illaa saaka waxa la xukumay  71qof oo min laba sanadood oo xadhig ah lagu xukumay. Waxaan leeyahay kuwa dibada jooga ee khamriga ka ganacsada in la qabanayo oo ciqaab adag la marsiinayo.”
Dhinaca kale Ciidanka Bilayska iyo gudida wanaagfarista ayaa wada olole lagu qabqabanayo dhalinyarada xaafadaha iyo suuqa dadka ku baadhta habeenkii oo mudooyinkii u danbeeyay soo kordhayay iyo sidoo kale Tuugta oo iyaguna fara baas ku haya dadka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *