Aden -Yemen (ANN) In ka baddan konton caruur  Soomaali ah oo u baddan hablo yar yar oo da’adoodu u dhaxayso 19 jir iyo 2 jir ayaa lagu qabtay xadka u dhexeeya dalka Sucuudiga iyo Yamen  labadii bilood ee u danbeeyay, waxaana  baadhitaano ay ciidamada dalka Sucuudiga iyo kuwa

 

Yamen sameeyeen lagu ogaaday in caruurtaa  oo loo tahriibinayay dhinaca dalka Sucuudiga laga ganacsanayay.
Qunsul xigeenka Safaarada  dawladii burburtay ee Somalia u joogay  Cadan Xuseen Xaaji Axmed  oo maanta waraysi arrintaa ku saabsan siiyay  weriyaha Idaacada VOA ee dalka Yamen ayaa sheegay inay Maalamahan dhibaatada Yaman ka jirta darteed ay dhiiri gelisay tahriibta caruurta oo Somalia laga keeno iyo kuwo dalka yaman gudihiisa laga kexeeyo, kuwaas oo sida uu sheegay  loo gudbiyo dalka Sucuudiga.
Xuseen Xaaji Axmed waxa uu sheegay in  Ilaa rabadaantii 50 caruur ah oo da’adoodu u dhaxayso 19 jir iyo 2 jir laga soo qabtay xadka Sucuudiga, kuwaas oo u baddan hablo yar yar oo la doonayay in loo talaabiyo dalka Sucuudiga, wuxuuna xusay in kuwii ugu danbeeyay oo ah  19 hablood oo Baydhabo laga keenay  oo da’adoodu u dhaxayso 16 jir iyo 10 jir laga soo qabtay xadka Sucuudiga, isla markaana  baadhitaan ciidamada Sucuudigu sameeyeen ku ogaadeen in dadkaa loo waday  arrimo ganacsi, balse aan la garanayn in qaabka looga ganacsanayaa yahay in  jidhkooda la la iibiyo iyo in xubno lagaga baxo.
Wuxuuna intaa ku daray in tiradan ugu danbaysay oo ah hablahaa yar yar ay wadeen   laba dumar ah iyo nin  Soomaali ah, kuwaas oo aan waalidkood iyo ehelkood midna ahayn, balse la rumaysan yahay  inay qayb ka yihiin kooxaha dadkan ka ganacsada.
Sidoo kale waxa uu Qunsul ku xigeenka Somalia ee Cadan sheegay inay jiraan 12  caruur ah oo xadka sucuudiga laga soo qabtay  dhowaan, kuwaas oo sida uu sheegay da’adoodu u dhaxayso  8 jir iyo 2 jir.
Mar weriyuhu weydiiyay in dadkaa loo qabtay cid iyo halka arrintoodu ku danbaysay, waxa uu sheegay in ilaa hada  8 qof  oo todoba ka mid ahi Somaali yihiin iyo nin yamani ah loo qabtay inay dadkaa hawshooda wadeen, kuwaas oo sida uu sheegay  ku xidhan magaalada Cadan oo ay Maxkamad ku sugayaan.
Sidoo kale mar la weydiiyay in hablaha ugu danbeeyay ee laga keenay Baydhabo  ay dadka wada xidhiidh qoys iyo mid ehel ama waalidnimo ka dhexeeyo waxa uu sheegay in 19 hablood ee baydhabo laga keenay ay warqado been abuur ah oo lagu sheegayo in waalidkood soo direen soo samaysteen dadka wadaa, kuwaas oo  lagu lifaaqay warqad wasaarada Cadaaladda dawladda Federaalka lagu sheegay inay waalidkood raali ka yihiin dadka wada hablahaa yar yar oo iyagu u masuul ka yihiin , balse warqadahaa maaha kuwo  run ah ee waa been abuur, sababtoo ah Magaalada baydhabo kama taliso dawladda Federaalku. Ayuu yidhi.

Qunsul ku xigeenka magaalada Cadan ee safaaradii dawladii Somalia ee burburtay Xuseen oo la weydiiyay inay dadka la wadaa yihiin kuwo laga ganacsanayo jidhkooda iyo inay yihiin kuwo hawlo kale ama adoonsi loo wado waxa uu yidhi,  “Hore ayaanu u sheegnay in dad xubno lagala baxay oo Soomali ah laga helay xadka Sucuudiga. Mana garankaro in la doonayo in jidhkooda la iibiyo iyo in la doonayo in xubno lagala baxo, ama qaab kale oo adoonsi ah loo wado, taas waxaa lagu ogaanayaa marka maxkamadda la keeno dadka hawsha ku jira ee la hayo.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *