Hargeysa(ANN) Guddida diiwaan gelinta Ururada siyaasada iyo ansixinta Axsaabta qaranka  ayaa  maanta si rasmi ah u shaaciyay in diiwaan gelinta ururada cusub ee siyaasaddu ay bilaabmi doonto Laga bilaabo maanta oo ay diyaar u yihiin in diiwaan geliyaan cidii diyaar u ah.Sidaana waxa saaka

shaaciyay Afhayeenk gudidaa  Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo saaka shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Hargeysa waxaanu tilmaamay in laga bilaabo maanta ay bilaabeen diiwaan gelinta ururada siyaasadda ee cusub oo ay socon doonto muddo lixdan cisho ah.
Xasan Axmed Ducaale wuxuu sheegay in diiwaan gelinta ururaddu ay xidhmi doonto 11-ka Bisha Janaury ee sanadka fooda inagu soo haya 2012-ka. Afhayeenka Guddida diiwaan gelintu waxa  kale oo uu sheegay  shuruudaha laga doonayo ururada cusub ee siyaasada waxaanu , isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi , “1.In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 12/11/2011 ay furan tahay diiwaangelinta Ururrada siyaasada lana qabanayo codsiyada ururadda.

2. In diwaan gelintu xidhmayso kuna eeg tahay qabashada araajida  ururada siyaasada markay taariikhdu tahay 11/01/2012 mudadaaas oo ah laba bilood (60 cidsho)
3.Ururrada waxay codsiyadooda ku soo hagaajin karaan xafiiska xarunta dhexe ee gudida ee hargeysa ku taala
Shuruudaha laga doonayo ururada siyaasadu waa sidan:-
1. Inuu soo qorto arji foomka loogu talla galay
2. Goortii iyo goobtii uu ku qabtay shirka Aas-Aaska ee ugu horeeyey
3. Liiska magacyada Hoggaanka gudiga fulinta iyo golaha dhexe
4. Liiska magacyada aasaaseyaasha iyo habkii loo doortay
5. Qaab dhismeedka ururka
6. Magaca ururka oo dhamaystiran iyo qaabka uu u qormayo marka la soo gaabiyo
7. Cadaynta bixin cashuur dhan 150,000,000.”
Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddida diiwaangelinta Ururrada Siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), oo sheegay inay ku shaqayn doonaan Xeerarka doorashada iyo diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo axsaabta, waxaanu ku dooday inay kala hufi doonaan ururada siyaasada oo aanay diiwaan gelin doonin ururada aan buuxin shuruudaha xeerku dhigayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *