Mogadishu(Araweelo News Network)Dowladda Soomaaliya ee ay  ilaaliyaan Ciidamada AMISOM, ayaa ku dhawaaqday in ay xoogaga

 

Al-shabaab ee dagaalka kula jira  ugu baaqay cafis muddo cayiman oo  45 maalmood ah.

Sidaana waxa lag shaaciyay shirka Golaha wasiirada ee xuukumadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu gaadhay go’aanka ay ugu baaqay xukuumadu Al-shabaab in mudadaa ay isku soo dhiibaan xukuumadda, iyadoo aan wax denbi ah loo raacayn cidii mudada cayiman ka faa;idaysta ee kasoo laabta Al-shabaab, isla markaana la saamaxayo.

Al-shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin ilaa hada dhawaaqa Xukuumadda Xasan Sheekh ee kasoo baxay golaha wasiiradda Somalia, kaas oo kusoo beegmay xili dagaalo ay ku dhexmarayaan Ciidamada Huwanta ee AMISOM oo taageeraya kuwa dawlada Somalia xoogaga Al-shabaab deegaamo kala duwan oo badhtamaha iyo Koonfurta Somalia ah.

Sidoo kale dhawaaqan cafiska Al-shabaab ayaa kusoo beegmay. Kadib markii maalmihii lasoo dhaafay lagu qaaday hawlgal loogu magacdaray Badweynta India, kaas oo ciidamada huwantu kula wareegeen deegaamo mihiim ah oo Al-shabaab mudo dheer gacanta ku haystay sida Buula-madheedh iyo deegaamo kale.

Sidoo kale dhawaaqa xukuumadda Somalia, ayaa kusoo beegmay, iyadoo dawlda Maraykanku weeraro duqayn ah oo ay ka geystay Axadii todobaadkan u danbeeyay ee August 2014, duleedka Baraawe ku sheegatay in ay ku dishay hogaamiyihii Al-shabab Abu Zubayr (Axmed Godane) iyo saraakiil kale, balse warka la xidhiidha in weerarkaa uu ku dhintay Amiirkii Al-shabaab, ayaa noqday mid aan la xaqiijin Karin, kaas oo aan waxba ka duwanayn weeraro hore oo sidan oo kale dawlada Maraykanku u sheegtay in ay ku dileen Amiirka Al-shabaab iyo saraakiil kale.

Maaha markii u horaysay ee Xukuumadda Somalia ugu baaqdo Al-shabaab cafis sidan oo kale, balse xiligii Dawladii Sheekh Shariif ee uu raysal wasaraha ka ahaa Farmaajo, ayaa sidan oo kale cafis loogu baaqay, kaas oo ay Al-shabaab wax lagu qoslo ku tilmaantay, balse lama oga jawaabta waqtigan ay ka bixin doonto.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *