Hargeysa(Araweelo News Network) Siyaasiga reer Sool Fuaad Aadan Cade oo ah La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bariga oo mudooyinkan

 

ku sugnaa Degmada Xudun ee gobolka Sool. Kadib markii uu ka cadhooday siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ku waajahan deegaamada Bariga Somaliland.

Sidaana waxa shebekada wararka Araweelo News Network u xaqiijiyay warar madax-banaan oo laga helay Degmada Xudun, waxayna wararkaasi sheegayaan in soo noqoshadiisu ka danbaysay ka dib wadahadal dhexmaray Siyaasiga Fu’aad Aadan Cade iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xagalatoosiye oo  booqasho ku tegey Degamada Xudun, isla markaana dhagax dhigay Cusbitaal Qaaxada ah oo la doonayo in laga hirgeliyo Xudun, kaas oo loo qorsheeyay in ay dadka qaba xanuunka Qaaxada ee ku sugan Deeegaamada Sool iyo Sanaag ka helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Kolanyo gaadiid ah oo uu watay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye oo uu weheliyo Siyaasiga Fuaad Aadan Cade ayaa maanta duhurkii kasoo baxay deegaankaa, waxayna usoo jeedaan dhinaca Magaalada Hargeysa., “waxaan soo baxanay saacadan aad ila hadlayso Fu’aadna wuxuu saaranyahay gaadhiga iga horeeya” sidaa waxa yidhin  mid ka mid ah Odayaasha Sool oo ka mid ah wefdiga kasoo boqoolay Degmada Xudun.

Lama ogga waxyaabaha ay ka wadahaleen Siyaasiga Fuaad Aadan Cade oo ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga Somaliland oo cadho ugu maqnaa halkaa iyo wasiirka Caafimaadka oo ergo ahaan ugu tegey, isla markaana hawlo shaqo oo kuwa wasaaradiisa ah u tegey Xudun.

Waixii kasoo kordha warkaa kala soco Araweelo News Network.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *