Hargeysa(ANN) Maayirka Caasimadda Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa xadhiga ka jaray Guuleed Park Restraunt oo ah Huteelkii ugu caansanaa sideetanaadkii Magaalada Hargeysa, kaas  oo dib u habayn  balaadhan lagu sameeyay.Munaasibad  xadhiga lagaga

jarayay hudheelkaasi oo lagu qabtay Hoolkiisa  shirarka,  waxa ka soo qayb galay, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Maayirka Caasimada Hargeysa,  Xildhibaano ka tirsan Labada golle Baarlamaan ee dalka, xubno ka tirsan Xisbiyada Dalka , Siyaasiyiin, Salaadiin, Ganacsato iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Suldaan Xasan Suldaan C/llaahi oo furitaankii Munaasibadaasi ka hadlay ayaa mulkiilaha hoteelka  ku booriyay dib u casriyaynta uu ku sameeyay hoteelkan , isaga oo ugu duceeyay in uu illaahay u barakeeyo, kana siiyo faa’ido khayr qabta.
Mulkilaha hudheelkan dib casriyaynta lagu sameeyay Cali Cumar Xasan Guuleed oo isna Munaasibadaa ka hadlay ayaa u mahad celiyay qaar ka mid ah Ganacsatada dalka oo kala Maxamed Aw-siciid iyo C/kariim Maxamed Iid. kuwaasoo uu sheegay inay ku dhiiri galiyeen dib u habaynta iyo furitaanka Hoteelkan , kaasoo sida uu tilmaamay ku  yaal bogcad  aad u fiican, isla markaana lahaa magic weyn
Maayirka Caasimadda Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir oo isna furitaankii Hoteelkan cuntada ee dib casriyaynta lagu sameeyay ka hadlay ayaa sheegay in hudheelkan dib loo furay uu ku yaalo meel Ganacsiga noocan oo kale ah ku fiican, isla markaana wax badan ka bedelaya adeegyada xaafada uu ku yaalo oo ah meel ka fog suuqa weyn.
Eng: Jiciir oo isagu si rasmiya Xadhiga uga jaray hoteelkaasi cuntada ee Guuleed oo dib u habayn balaadhan lagu sameeyay, waxa kale oo uu tilmaamay in hudheelkani wax ku soo kordhinayo dhaqaalaha dalka, maadama oo uu yahay xarun ganacsi oo soo kordhay, isla markaana uu taariikh weyn ku leeyahay  kulamadii iyo shirarkii nabadayntii iyo dib u heshiisiintii dalka.
Sida uu sheegay Eng. Axmed Cumar Xasan 1982 ayaa la furay Huteelkaa, iyadoo 1991-kii xiligii dalka lagu soo laabtay dib loo furay,  iyadoo 1995-kii la xidhay, balse haatan dib loo furay iyadoo lagu sameeyay dib u habayn casri ah. Huteel Guuleed oo ku yaala goob mihiim ah, isla markaana  dhererkiisu yahay dhulka uu ku fadhiyo  660 mtr balaciisu 300 Mtr dhul kala sareeya  iyo deegaan  bilicsan oo aad u qurxoon, taas oo qof kasta soo jiidanaysa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *