Hargeysa(ANN)  Shixnadii Ugu Horraysay ee shiidaalka cad ee diyaaradaha oo dalka ka kala go’naa tan iyo intii xukuumadda Somaliland albaabada u laabtay shirkaddii gacanta ku haysay haama shiidaalka Berbera ee Total, ayaa shalay soo gaadhay Berbera.


Gaasta cad oo ay isticmaalaan gaadiidka diyaaradaha ee isticmaala madaarka Berbera oo cabsi xoog leh ku haysay diyaaradaha Madaarka Berbera, ayaa tan iyo intii TOTAL la eryay waxa soo baxay ganacsato iyo shirkado loolan ugu jira sidi ay u heli lahaayeen liisanka keenista shiidaalka cad, kuwaasoo xukuumadu u gudbisay gudida qandaraasyada qaranku inay soo kala saaraan cidkasta oo hanqal-taagaysa.

Todobaadyadii u danbeeyay waxa isa soo tarayay shakhsiyaadka iyo shirkadaha loolanka ugu jira keenista shiidaalka cad ee diyaaraha oo gabaabsi noqday wixii ka danbeeyay intii xukuumaddu tirtirtay heshiiskii shirkada Total ay kula jirtay.

Hadaba, iyada oo aan weli cidna la siin keenista shiidaalka cad, islamarkaana wer wer uu ka taagnaa haddii la waayo, ayaa maanta shixnadii u horaysay ee shiidaalka cad uu keenay ganacsade Cawil Cawl Cabdilaahi oo ah mulkiilaha shirkad cusub oo Jet Oil lagu magacaabo, kana mid ah ganacsatada Somaliland uu keenay haamaha shiidaalka Berbera oo lagu shubay.

Ganacsade Cawil oo hadlay shiidaalka uu keenay ee diyaaradaha, ayaa sheegay Madaxda Gobolka saaxil  iyo gudidii loo xilsaaray haamaha shiidaalku inay ka dalbadeen in uu daboolo baahida loo qabo gaasta cad ee ay isticmaalaan diyaaraduhu inta ka horeysa tartanka ay geli doonaan shirkadaha Ganacsiga ee Somalilan oo ay qabanayaan gudida qandaraasyada qaranka oo loogu tartamayo cida keenaysa Gaastan.

Ganacsade Cawil waxa uu sheegay inuu daboolay baahi weyn oo loo qabay gaastan oo uu xusay ilaa intii ay xukumadu la wareegtay haamaha shiidaalka aan wax gaasa oo diyaaradeed Haamaha lagu shubin,  sidaa darteedna uu  dagdag uga dalbaday dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti saakana ay soo gaadheen Berberaoo shubistii  ay socoto.
Ganacasde Cawil Cawl  ugu bushaareeyay shirkadaha diyaaradaha ee Macaamisha laleh garoonka diyaaradaha Berbera ama garoomada kale ee dalka iyo cidkasta oo daneynaysa gaastan cad ee diyaaradaha in lagaga iibin doono qiime aad uga jaban qiimihii ay siin jirtay Shirkada Total. ”Marka hore waxan umahad celinayaa qoladiinan saxaafada ee manta halkan nagu soo booqatay, marka labaad waxan umhad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo)iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa iyo dhamaan Xukumada Somaliland waxa anaga nasoo wargalisay gudidii loo xilsaaray inay wax ka qabtaan baahiyaha haamaha waxaanay nagu wargaliyeen gudidaasi in uu kala go,anyay gaastii ay isticmaalaan diyaaraduhu ee loo yaqaan Oil Jet 1waxaanay gudidaasi naga codsadeen in aanu si dagdaga u keeno gaastaa diyaraadaha ee Oil Jet 1 Dabadeetana anaga oo kaabayna go,aankii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland amarkii Gudida Qaadanay ayaa waxa aanu markii dalbanay booyadihii keeni jiray waxaananu ka dalbanay halkii laga Dalban jiray oo ah dalka aynu Jaarka nahay ee Jabuuti waanad aragtaan oo waataa la shubayo booyadihii alxamdulilaa ta kale waxa iyana nagu dhiiri galiyay in aanu keeno gaastan gudida qandaraasyada qaranka oo iyana yidhi sii wada hawshaa keenista gaasta diyaaradaha hadhawna waxa Kamid noqonaysaan shirkadaha galaya tartanka loo yaqaan(Bidh)laakiin imika waxa aanu sii kifeynaynaa oo aanu qoraal ku haysanaa in aanu kala go,in gaasta diyaradaha ama aan laga waayin garoonka diyaaradaha ee berbera gaasta loo yaqaan nooceed Oil Jet1 waananu wadaynaa ilaa inta ay gudida Qandaraasyada qaranku qabanayaan tartankaa oo aanu ka qeybgali doono hadii ilaahay yidhaa.

Gaastan oo ay sideen booyado ka soo daabulay dalka Jabuuti  waxa saaka Shaqadoodu si habsamiya uga bilaabantay haamaha loogu tala galay  oo ku yaala Garoonka diyaaradaha ee Berbera dhexdiisa, waxaana halkaa hawsha shubida gaasta kawaday shaqaalaha u toobabaran shaqada shubida gaasta diyaradaha oo iyagu imika sitoosa uga mid noqday shaqaalaha Dawlada ee haamaha halka ay markii hore ahaayeen shaqaale shirkada Private ah waxaana shaqaalahaasi aad ugu qanacsanayeen shaqadan ay la bilaabayaa dawladooda iyaga oo sheegay in ay Shaqadooda sidii hore si lamida amaba ka sii fiican uwadan doonaan waxana la filayaa in inta tartanka Laqabanayo uu ganacsade Cawil Cawl Cabdilaahi.

Dhinaca kal shirkadaha diyaaradaha ee macaamilka laleh garoonka berbera ayaa iyaguna soo dhaweeyay ficilka wadaninimada leh ee uu muujiyay Ganacasade Cawil Cawl oo isagu si dhakhso ah uga soo gaadhsiiyay baahidii gaasta diyaaradaha ee ka taagneyd wiigan Garoonka diyaaradaha ee berbera iyaga oo ku tilmaamay ganacsade da.yar oo dadaal muuqda muujiyay Waxaanay intaa ku dareen oo ay iyana soo dhaweeyeen shirkadaha diyaaraduhu qiima dhimista uu ku dhawaaqay ganacasadaha Cawil Cawl ee ah qiima dhimista gaasta diyaaradah ee aad uga hooseya qiimihii ay siin jirtay shirkada Total Gaasta diyaaradaha oo uu manta ku dhawaaqay Cawil Cawl.

, Maareeyaha shirkada diyaaradaha Africa Airways oo iyadu ah shirkada ugu duulimaadyada badan dhinaca diyaaraha jetka Warsame Xasan Gaas  ayaa soo dhaweeyey keenista shiidaalka Cad ee shirkadaha diyaaruhu isticmaalaan oo maanta ay dalka keentay shirkad lagu magacaabo Jet oil oo gabaabsi noqotay tan iyo intii xukuummadu laashay heshiiskii TOTAL.

Madaxa shirkadaa  Mr. Warsame Xasan Gaas oo warbaahinta u waramay kadib markii shidaalkan cusub yimi Berbera, ayaa yidhi “Horta go’aanka Madaxweynuhu shidaalka kootada kaga saaray waanu hambalyeynaynaa oo uu xor ka dhigo, waayo arrintaa dhibaato badan ayaanu ku qabnay. Waxa kale oo aannu hambalyeynaynaa shirkaddan JETOIL ee muddada gaaban ku keentay shidaalka ee nooga soo gaadhsiisay. Weli shidaalkii hore ee qaaliga ahaa oo wax ka sii yaaleen ayaa naalga iibiyanay, laakiin shidaalka cusub waxaanu ranaynaynaa inuu noqdo mid lagu iibiyo qiimo ka jaban kii hore oo macquul ah,” ayuu yidhi Mr. Warsame.

Shiidaalka cad ee diyaaradaha oo ay hore dalka u keeni jirtay shirkadii meesha ka baxday ee TOTAL waxay cabsi xoog lehi soo foodsaartay qaar ka mid ah shirkadaha isticmaala diyaaradaha jetka oo ka baqa qabay inay shiidaal la’aan ku dhacaan, ka hor intii aan shiidaalka cusubi iman.
Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah shalay daboolka uga qaaday in aanay habayaraatee jirin cid gaar ah ama shakhsiyaa d la siiyey inay keenaan shidaal ama maamulaan haamaha shidaalka Berbera, iyada oo xukuumaddu caddaysay inay hawshaas gacanta ku hayn doonaan guddida madaxweynuhu u magaacaabay ilaa inta qandaraas lagu bixinayo cidda hawshaa la wareegi doonta.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu shalay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo guddida madaxweynuhu magacaabay ka mid ah, qoraalkaasi oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan: sida laga warqabo waxay xukuumadda  somaliland soo saartay  xeer Madaxweyne N0. 0131 oo lagu cadeeyay  in xukuumaddu la wareegtay maamulka hawlihii ay qaban jirtay  Shirkada Total Oil Mer Rouge  laga bilaabo 22/5/2011/.
Waxay xukuumaddu halkan ku cadaynaysaa in ilaa inta la dhamaystirayo  nidaam qandaraaseed furan oo ay ku tartamaan shirkadaha danaynaya la wareegida hawshaa ay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayndoonto maamulka Haamaha iyo adeegyada  Total ay gacanta ku hayn jirtay oo dhan.
Waxa ay xukuumaddu cadaynaysaa in aanay haba yaraatee jirin shirkad ama shaqsiyaad gaar ah oo la siiyay , heshiis ama ruqsad la xidhiidha  keenista shidaalka  iyo maamulka haamaha shidaalka ee ay Total gacanta ku haysay.”  Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *