Muqdisho(ANN)Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay hub, saanad iyo waxyaabo qarxa oo ay sheegeen in ay lahaayeen xarakada al-Shabaab.

Hubkaa oo lagu soo bandhigay saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin magaalada Muqdisho, ayaa lagu sheegay in laga soo saaray dhulka hoostiisa.

Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hubkaa ay kasoo saareen meel ay ku aaseen xarakada al-Shabaab oo ku taal deegaanka Laanta Buuro ee dulleedka magaalada Muqdisho.

noocyada uu ka kooban yahay Hubkaa oo saxaafadda loo soo bandhigay ayaa waxa ay isugu jireen, qoryo, rasaas, bambooyin iyo qalab kale oo la sheegay in Shabaabku u isticmaali jireen hawlgalladooda.
Dhinaca kale malayshiyada Al-shabaab ayaa weeraro ku qaaday magaalada Kismaayo, taas oo noqotay weeraradii ugu horeeyay iyo qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay magaalada Kismaayo, tan iyo intii ay al-shabaab ka baxeen magaalada Kismaayo oo dhawaan ay qabsadeen ciidammada Kenya iyo maliishiyo Soomaali ah oo taabacsan dowladda Soomaaliya.

Warar kala duwan Magaalada ayaa sheegaya in  laba habeen oo is xigga al-shabaab weeraro kala duwan ka fuliyeen  saldhig ay joogeen ciidamada Kenya, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo magaalada ka tirsan, iyadoo sarkaal u hadlay ciidamada magaalada ku sugan  sheegay in ay iska caabiyeen oo aanay wax dhibaato ah  xagooda ka soo gaadhin weerarada kaga yimi Al-shabaab.

Dhinaca kale weerarada ayaa kusoo beegmay saraakiil ka socota ciidamada NATO ay gaadheen magaalada Kismaayo, kuwaas  oo ciidamada gacanta ku haya magaalada Kismaayo la yeeshay sidii maamul adag loogu samayn lahaa gobolada Jubooyinka, adkaynta amaanka iyo taakulada ay u baahan yihiin.

amaanka magaalada  ayaa sii xumaanayay tan iyo markii al-Shabaab laga qabsaday , iyadoo dad magac leh oo bulshada ka mid ah  lagu dilay qaar badanna lagu xidh-xidhay, isla markaana kufsi iyo dhac lagu eedeeyay ciidamada dawlada Somalia lagu sameeyay shacbiga, taas oo cabsi ku abuurtay bulshada, balse saraakiisha dawlada ayaa ku dooday in aanay ciidamadoodu ku kicin falalkaa oo ay sheegeen inay fuliyeen canaasiir ka tirsan Al-shabaab oo dirayska ciidamada xidhan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *