Hargeysa(ANN)Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa  shaaciyay  in 29-ka Bishan uu si rasmi ah u furmi doono olalihii doorashada deegaanka oo  lagu wado inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bisha Novermber ee fooda inagu soo haysa.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka Komishanka doorashooyinka  Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, kaas oo uu  sheegay in olaluhu uu socon doono muddo 28 maalmood ah oo la soo gabo-gabeyn doono 25-ka Bisha November 2012-ka.

“Waxaan maanta ku dhawaaqaynaa in In Ololihii Doorashada Golaha deeganku uu bilaamayo 29 Bisha October oo ah Isniinta inagu soo socta. waxayna ururadu u kala horeynayaan sidii aanu ugu qori tuurnay,”ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland  Maxamed Axmed Xirsi (Geelle).

Afhayeenku waxa uu tafaasiil ka bixiyay maalmaha olalaha ay u kala galayaan axsaabta siyaasaddu,  isagoo yidhi,  “Waxa u horeynaya 29 october Ururka Ummada, 30 October Xisbiga Ucid, 31 October Xisbiga Kulmiye, 1 November Ururka Dalsan, 2 November Rays, 3 November Waddani, 4 November Xaqsoor, Waxanu urur walba u soo jeedinaynaa in maalinta ay Ololaha Ay leeyihiin ay ilaaliyaan Nabad gelyada, waxanu ururka aan maalinta lahayn uga digay in ay Ololaha sameeyaan.” ayuu yidhi
Komishanku waxay kusoo saareen Jadwal maalmaha Ururada iyo Axsaabtu kala leeyihiin Ololaha, jadwalkaa oo u dhignaa sidan:-

Ururka UMMADDA
29-ka October oo Isniin ah
05/11/2012 oo Isniin ah
12/11/2012 oo Isniin ah
19/11/2012 oo Isniin

Xisbiga UCID
30/10/2012 oo Salaasa ah
6/11/2012 oo Salaasa ah
13/11/2012 oo Salaasa ah
20/11/2012 oo Salaasa ah

Xisbiga KULMIYE
31/10/2012 oo Arbaca ah
7/11/2012 oo Arbaca ah
14/11/2012 oo Arbaca ah
21/11/2012 oo Arbaca ah

Ururka DALSAN
1/11/2012 oo Khamiis ah
8/11/2012 oo Khamiis ah
15/11/2012 oo Khamiis ah
22/11/2012 oo Khamiis ah

Ururka RAYS

02/11/2012 oo Jimce ah
9/11/2012 oo Jimce ah
16/11/2012 oo jimce ah
23/11/2012 oo jimce ah

Ururka WADDANI
3/11/2012 oo Sabti ah
10/11/2012 oo Sabti ah
17/11/2012 oo Sabti ah
24/11/2012 oo Sabti ah

Ururka XAQSOOR
4/11/2012 oo Axad ah
11/11/2012 oo Axad ah
18/11/2012 oo Axad ah
25/11/2012 oo Axad ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *