muuse biixi1Hargeysa(Araweelo News)Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dib udhaca shirweynaha xsibiga uu gudoomiyaha u yahay ee Kulmiye, xaaladda

 

amaanka mandqada geeska Afrika, hawlagalada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee Somalia iyo ciidamo Dawlda Djibouti kaga dhintay hawlaglka AMISOM ee Somalia.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu xalay siiyay TV-ga Horn Cable, wuxuuna meesha ka saaray dib u dhaca shirweynaha, isagoo ku dooday in xisbigoodu yahay mid waayo-arrag ah oo 12 sanadood soo jiray,  isla markaana aan ka cabsi qabin in lagaga adkaado doorashooyinka dalka ka dhici doona ee fooda inagu soo haya.
Gudoomiye Muuse Biixi waxa dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ka tacsiyadeeyay xubno ka tirsan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya oo ku dhintay dagaal dhex maray kooxda Al-shabaab, waxaanu ku baaqay in dalalka mandaqadu ay ka digtoonaadaan halista kooxdaasi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu Djibouti ka tacsiyeeyay askar kaga dhimatay hawlgalka lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia ka wadaan deegaamo ka mid ah Koonfurta Somalia oo dawlada Djibouti ay kaga dhinteen qaar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Somalia, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dalalka Geeska Afrika ay ka digtoonaadaan khatarka kooxda Al-shabaab, isagoo yidhi, “Wali ma hayno meel lagu naafeeyay Al-Shabaab iyo hubkoodii iyo guutooyinkoodii, waxaanay isticmaalayaan marka ay arkaan in ciidan iyo hub badani ku soo socdaan ay hubkoodii qariyaan ciidamadana dharka ka badalayaan, waxaana suurogal ah in kolba meeshii culays laga saaro ay ka tagaan. Guud ahaan Geeska Afrika waxaanu Illaahay uga baryayaa in nabad-gelyo ku soo celiyo, waxaanu tacsi u diraynaa dadka dagaaladaa ku dhintay ee ay ka mid yihiin ciidamada walaalaheenna reer Jibuuti.Xukuumadeena iyo guud ahaan shacbiga Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay ka digtoonaadaan khataraha kooxdaas.” Ayuu yidhi.

Wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay mudadii doorashada mdaxtooyadda iyo waxa uga meel yaal xisbi ahaan yidhi, “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu waxay diyaar u yihiin in doorashadu xilligeeda ku dhacdo wax cabsi ah oo naga hayaana ma jirto, marka aan sidaa ku leeyahayna maaha macnaheedu annaga xukuumad baanu nahay oo dadkaanu jidh jiidhaynaa ee waxaa weeye annagu waxaanu nahay xisbi weyn oo jiray 12 sano, shacbigana kalsooni weyn ayaanu ku qabnaa, shacbigayaga kii shalay na doortay iyo kuwa ku soo biirayba waxaanu qabnaa in aanu qancin doono, waxaanu nahay dad doorashada yaqaana wax dhulka naga yaalaana ma jiraan diyaar baanu u nahay doorashada.”

Hase yeeshee mar la weydiiyay Guddoomiye Muuse Biixi asbaabaha dib u dhigay dhawr jeer shirweynihii saddexaad ee xisbigaas, waxa uu yidhi “Wax dib u dhac la yidhaa ma jiro, waxa gabo-gabo ku dhow ergooyinkii Haddii ALLE yidhaahdo maalmaha soo socda ay soo dhamaadaan, waana wax iska caadi ah in shirweyneyaasha noocaas ahi maalmo dib u dhacaan waana shir weyne gobolada dalka iyo dibadaba laga imanaayo aadna waan uga xumahay dib u dhacyadaa hore ee shirka xisbiga Kulmiye imikase waa la qabanaayaa shirkii xisbiga.” Ayuu yidhi Gudoomiye Muuse, balse ma qeexin sababta rasmiga ah ee dib u dhaca soo noqnoqday iyo xiligga la qabanayo shirweynihii ee dib loogu riixay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *