Marka(ANN)Al-Shabaab ayaa galabta meel fagaare ah ku toogtay saddex ruux ay ku eedeeyeen inay xidhiidh toos ah iyo wada shaqeyn la lahaayeen Sirdoonada Mareykanka iyo Britain ee loo soo gaabiyo CIA iyo MI6, waxayna sadexdaa Nin ku eedeeyeen inay ka danbeeyeen

 

weeraro lagu laayay saraakiil muhaajiriin ajaanib ah oo ka barar dagaalamayay Al-shabaab iyo saraakiil Soomaali ah.
Qaadiga guud ee Al-Shabaab Sheekh Cabdul Xaq ayaa sheegay in xukunkan uu yahay Xadul Ridah, isla markaana ragga lagu fuliyay ay ahaayeen jawaasiis, ku lug lahaa shirqqoolo lagu khaarajiyay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo Ajaaniib iyo Soomaali isugu jiray.
Qaadigaa oo lagu Magcaabo Sh. Cabdul Xaq, ayaa  sheegay in mid ka mid ah saddex Nin laga soo diray Xafiiska MI6 xaruntiisa Soomaaliya laga maamulo ee Hargeysa ku taal oo uu kasoo jeedo deegaanka Hargeysa,  isagoo xusay in labada kale ay ka dambeeyeen dilkii Bilaal Al-Barjaawe oo horaantii sanadkan lagu dilay duleedka Muqdisho, kadib markii gaadhigiisa ay duqeysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee maraykanka oo saldhiga ku leh duleedka Koonfur galbeed  ee dalka Ethiopia.
Dilka Bilaal Al-Barjaawi ayaa raggii ka dambeeyay ay sheegeen in aaladii u fududeysay diyaaradaha Drone inay duqeyso ay ugu xidheen gaadhigii uu watay sarkaalkaa oo ahaa  muhaajiriinta kasoo jeeda dalka Lubnaan, balse sitay dhalasho British ah. Isxaaq Cumar Xasan, ayaa Qaadigu sheegay inuu  madax u ahaa Yaasiin oo isagu ku guuleystay in uu Bilaal AlBarjaawi Abuu Uxud  gaadhigii uu la socday ugu xidho Aaladda GPRS ee sataleytka ku xidhan.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay raggan inay ka dambeeyeen weerarkii diyaaradaha Drone ku dileen Saraakiil muhaajiriinta ajaaniibka ee ka barbar dagaalama Al-shabaab iyo saraakiil Soomaali ah, kuwaas  oo dilalkoodu ka dhaceen horaantii sanadkan deegaanka Nambar 60 ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna laba ka mid ah kuwii ku dhintay duqayntaa Abuu Ibraahin Axmed oo u dhashay dalka Morroco iyo Abuubakar Al-Markaawi oo reer Marka ahaa, iyadoo aan la shaacin qofka sadexaad eek u dhintay weerarkaa oo lagu eedeeyay inuu masuul ka ahaa Yaasiin Cismaan Axmed oo ay sheegeen inuu la shaqaynayay CIA-maraykanka.
Mukhtaar Ibraahim Sheekh Max’med oo ay sheegeen Al-shabaab inuu magaca Ciise ku shaqeysan jiray waxay ku eedeeyeen inuu  shaqeynayay Hay’adda MI6 ee dowladda UK, dad badan oo uu macluumaad ka gudbiyay ayaa lagu tacdiibiyaa xabsiyada Somaliland iyo jeelasha qarsoodida ah ee reer galbeedku ku leeyihiin bariga Afrika, Mukhtaar wuxuu xubin ka ahaa shaqaalaha hay’adda MI6 ee UK xafiiska Hargaysa Somaliland. ayuu  yidhi Qaadiga xukunkaa riday.
Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose Abuu Cabdalla,  ayaa ku tilmaamay dilkaa  inuu cadeyn u yahay sida ay u fashiliyeen dhagarta Sirdoonada Mareykanka iyo Britain, isagoo tibaaxay inuu muujinayo sida aan la isugu dhuuman karin mujaahidiinta dhexdooda.
Maaha markii u horaysay ee kooxda Al-Shabaab sidan oo kale dad ku eedeeyaan inay ahaayeen jaajuus, isla markaana xukuno dil ah ku fuliyaan meel fagaare ah, balse waxay sidan oo kale ku fuliyeen xukuno sidan oo kale ah dhawr dhalinyaro ah sanadii u danbeeyay, kuwaas  oo ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen reer galbeedka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *