Buuhoodle(ANN)Hoogimayaha garabka SSC, Saleebaan Xagla-toosiye, ayaa ku cel-celiyay inay qaateen nabada marar baddan ay Somaliland ugu baaqday. Kadib markii uu maanta ku laabtay deegaanka Buuhoodle oo uu mudo ka maqnaa. Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo dhowaan
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayo ay ku kulmeen dalka Imaaraadka Carabta, waxa meel fagaare ah markii u horaysay ee uu ku laabtay deegaanka Buuhoodle oo si weyn loogu soo dhoweeyay ka sheegay aragtidiisa kulanka ay yeesheen Wefdiga Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna isagoo la hadlaya dadkii soo dhoweeyay iyo Malayshiyadiisa yidhi, “madaxda Somaliland, waxaan ka wada hadalnay sidii looga shaqayn lahaa nabada iyo ciidamada la kala qaado, waana mid aan qaadanay oo aanu ka shaqaynayno nabadu “ ayuu yidhi.
Xagla-toosye, isagoo la hadlaya saaxiibadiisa mawqifka nabada kasoo horjeeda, wuxuu yidhi, “waxa jira dad baddan oo nabada diidan, colaadana aan waxba ka tari karin, kuwaas waxaan leeyahay waxba laydinka weydiin maayo nabada oo Reer Buuhoodle ayay nabadu ka go’adaa, sida ay colaadu uga go’do. Anaguna wixii xal ah ee nabad lagu gaadhayo diyaar ayaan u nahay, waana soo dhowaynaynaa in laga gudbo colaada, waayo nabada waynu u baahannahay, ta aanu ka wada hadlanayna waa taas, mana jirto cid nabada baryaysaa oo dadka iyo deegaanka oo dhan ayaa u baahan” ayuu yidhi Xagla –toosiye.
Hogaamiyaha Malayshida SSC, Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, waa hogaamiye kooxeedkii u danbeeyay ee garabka nabad-diidka ahaa ee SSC, marka laga reebo Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise oo ah iyagu siyaasiyiin ka mawqif duwan saraakiisha SSC, kuwaas oo ay marar baddan xukuumadda Somaliland ugu baaqday nabad iyo inay wixii ay tabanayaan la yimaadaan miiska wadahadalka, balse ku gacansaydhay, wuxuuna baaqan Saleebaan Xagla-toosiye ku baaqay inuu aqbalay nabadu wax suurta gal ah inuu noqdo mid khilaafka deegaanka Buuhoodle wax weyn ka bedela.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com