images/stories/imga0152.jpg Hargeysa (ANN)- Kumanaan qof oo ay hor kacayaan Hoggaanka sare ee xisbiga UCID, ayaa maanta si layaab leh isugu soo baxay  fagaaraha Beerta  xoriyada ee Caasimada Somaliland ee  Hargeysa. Si ay cududooda u muujiyaan.

 

 

 

 Isu soo baxa taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, wuxuu qayb ka ahaa Ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiyada Qaranka Somaliland ku tartamayaan 26 Juun ee fooda inagu soo haysa.

 

Sidoo kalena waxay  Taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga UCID ay maanta isu-soo-baxyo  sidan oo kale ah ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo Degmooyinka dalka Somaliland. Basle isu soo bixii ugu balaadhnaa xisbi ahaan ayaa  ka dhacay magaalada Hargeysa, kuwaas oo isugu soo baxay  Beerta Xorriyada  ee Magaalada Hargeysa, iyadoo masuuliyiinta halkaa ka hadlay sheegay waxyaabaha ay qabanayaan haddii ay talada ku guulaystaan.

 

 

Musharaxa Jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID, Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan

Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), kana mid ah madaxda sare ee UCID, Guddoomiyayaasha Haweenka, dhalinyarada,Xoghayaha  Arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada, Xoghayaha Warfaafinta u qaabbilsan UCID, Guddoomiyayaasha heer Gobol iyo Xubno kale oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga UCID, ayaa taageerayaasha isugu soo baxay Beerta xorriyada khudbado kala duwan halkaa uga jeediyey, iyaga oo dhammaantood si isku mid ah uga codsaday dadweynaha inay codkooda siiyaan UCID maalinta 26-ka bishan juun  ee fooda inagu soo haysa .

Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ah musharaxa jagada madaxweyne ku-xigeenka UCID, oo halkaa ka hadlay, ayaa si qoto dheer sharraxaad uga bixiyey barnaamij-saasadeedka Xisbiga UCID dalka ku hoggaamin doono haddii uu ku guulaysto talada dalka doorashadan soo socota iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan. “Illaa 1960-kii dalkani dawlad muu helin, waxaannu ballan-qaadaynaa Ucid ahaan haddii aannu doorashada ku guulaysanno inaannu idiin keenno wixii tan iyo lixdankii innaga maqnaa oo ah dawlad dadka iyo dalkaba u wanaagsan,”ayuu yidhi Maxamed-rashiid sheekh  Xasan.

Waxaanu sheegay inay 120-ka maalmood ee u horreeya haddii la doorto ay qaban doonaan shir, isaga oo nooca shirarkaa faahfaahinayana waxa uu yidhi; “120-ka maalmood ee ugu horreeya waxaannu qaban doonnaa, shir ay isugu iman doonaan aqoonyahanka Somaliland. waxaannu qaban doonnaa shir ay isugu imanayaan Ganacsatada dalka, Shirkadaha Ajanabka iyo cid kasta oo doonayso inay maalgashi ka samayso dalka ama ka samayn karta. Waxaannu wax ku maamuli doonnaa caddaalad.

Haddii aad noo dhiibtaan masuuliyadda, waxaannu garanaynaa culayska ay leedahay in Illaahay nagala xisaabtamayo. Annaga oo taas ka duulayna, waxaannu ballan-qaadaynaa inaannu dalka ku hoggaamino, caddaalad, sinnaan,dawlad wanaag iyo maamul kooban oo tayo badan,  dalka iyo dadkana horumar gaadhsiinno.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed-rashiid Sheekh Xasan,isla markaana waxa uu u mahadceliyey  taageerayaasha isugu soo baxay.

Musharraxa jagada ku xigeenka Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, waxa uu sheegay inaanay labada Xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, wax is-beddalka dalka iyo dadku u baahan yihiin midna keeni karin, hase ahaatee Xisbiga keeni karaa yahay UCID. Sidaa daraadeedna  waxa uu bulshada reer Somaliland ka codsaday inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID, si loo helo is-beddalka maanta Somaliland u baahan tahay. waxa uu ballan-qaaday inay dalka iyo dadka horumar gaadhsiin doonaan haddii ay talada qabtaan dhinac kasta oo laga eego. Waxa uu si gaar ah u xusay, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta beeraha, biyo samaynta, waddooyinka,laydhka iyo wixii la mid ah ee horumarka dhinaca siyaasadda.

 

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), oo halkaa ka hadlay ayaa si kulul uga jawaabay khudbad uu Madaxweyne Rayaale 3-dii bisha oo ahayd maalintii koobaad ee ololuhu bilaabmay  oo Xisbiga UDUB  u lahaa ku dhaliilay golaha wakiilada, isagoo u duur xulaya mucaaridka, taas oo uu Madaxweynuhu khudbaddiisa ku soo qaatay eedayn iyo cambaarayn uu u jeediyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.Waxaanu Guddoomiye Cirro taageerayaasha UCID uga mahadceliyey sida ay taageerada ay UCID u hayaan u muujiyeen ee ay isugu soo baxeen maanta.

“Dadlka Somaliland isbedel uma baahnee waxa uu u baahan yahay badbaado oo meel halis ah ayaynu  maraynaa, idinka ayaana badbaadin karaya ee codkiina siiya xisbiga UCID Musharaxiintiisa Faysal Cali Waraabe Iyo Dr. Maxamed Rashiid.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Cabdilaahi.

 

Waxaa kaloo  halkaa ka hadlay Xoghaya Arrimaha Gudda ee xisbiga UCID Maxamed Ibraahim, waxa uu ku booriyey shacabka reer Somaliland, “Waxaan idinku boorinayaa masiirkii, jiritaankii iyo mustaqbalkii Somaliland waxa uu maanta ku jiraa gacmihiina iyo kaadhka yar ee Jeebkiina ku jira ee guryaha idiin yalaa ayuu ku xidhan yahay. Waxaan idinku boorinayaa ninka idiin xiirayaa iyo ninka idinku xagaya inaad kala garataan

Waxa uu si weyn u wareeray labada xisbi UDUB iyo KULMIYE oo uu tilmaamay inay noqdeen filim kartoonka  (Tom and Jerry), isaga oo xusay inaanu mid koodna  wax isbedel ah ka dhilaynayn Somaliland, isla markaana waxa uu tilmaamay in hirdankooda ay maalin kasta dad ku dhintaan oo aanay dani ugu jirin shacbiga  Somaliland.

 

 

Waxa iyaguna halkaa halado kala dunwa ka soo jeediyey masuuliyiin ay mid ahaayeen Xildhibaan Cabdiraxmaab Cismaan Caalim, Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Shiine Maxamuud Idiris oo ah Gudoomiyaha UCID ee gobolka Maroodi-jeex, Marwo Khadiija Xaaji Baandare, Marwo Xaliimo Cismaan oo ah Gudoomiyaha garabka Haweenka ee xisbiga UCID, Aqoonyahan Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, Oday Xuseen Xaaji Axmed Ildab iyo Dr. Siciid Sheekh oo dhamaantood hoosta ka xariiqay in xisbiga UCID uu yahay xisbiga keliya ee ay ku jirto babdaabada Somaliland, iyaga oo bulshada  Somaliland ku dardaaray inay doortaan xisbiga UCID.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *