Nairobi(ANN) Mr. Matt Baugh  oo ah u-qaybsanaha Sare ee Arrimaha Soomaaliya dawladda Britain  Safaaradda ay ku leedahay Kenya ayaa qoraal ku taariikhaysan 21 February 2011, wuxuu u  u diray Danjiraha dawladda taagta daran ee Soomaaliya u jooga Kenya Mudane

 

Maxamed Cali Nuur.
Qoraalkaa oo aan saxaafada loogu tala gelin ayaa si hoose usoo baxay kadib markii ay dalabka dawladda Britain iyo siyaasadeeda ku wajahan Somaliland ku sheegtay inay taageero dhinaca mashaariicda amniga, maamulka iyo xisaabaadka ka fulinayaan, iyadoo mashaariicdaa qaarkood dawladda Britain sida ku cad qoraalka doonaysa in marka hore cunaqabataynta hubka laga qaado Somaliland, taas oo ku xidhan gudida ilaaliya cunaqabatynta hubka ee jamciyada quruumaha ka dhaxaysa, si loo dhiso ciidamada amaanka, balse waxa arrintaa ka cadhooday maamulka budhcad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe iyo dabcan dawladda taagta daran ee Somalia.
Hadaba qoraalka loo gudbiyay safiirka dawladda taagta daran ee Somalia wakiilkeeda dalka Nairobi ayaa  nuqul ka mid ah ay heshay Shebekada Araweelonews ayaa u qornaa sidan:
“Mudane Danjire,

Waxa laga yaaba in aad ka war hayso in aanu dhowr goor kala hadalnay safaaradiina sida ay Dowladda Ingiriisku u rabto inay daryeesho amniga Somaliland. Hadda waxan rabaa in aan kula socodsiiyo in Dowladda Ingiriisku rabto inay sii waddo taageerada noocaas ah ee Somaliland.

Waxan aad ugu kalsoon nahay in aad ku faraxsan tahay in Somaliland muujisay xasilooni iyo qaab hawl wadeednimo si aanu u siinu taageero cayiman ee dhinaca aminga, si ay uga hortagto khatarta si joogto ah ay ku hayaan shakhsiyaad iyo kooxo raba inay burburiyaan tallaabooyinkaa ay Somaliland wado ee nabad raadinta.

Xushmo ahaan waxan la socod siinay Dowlad Ku-Meel Gaadhka mashaariicda la xidhiidha amniga Somaliland ee ay Dowladda Ingiriisku taageerto ee loo baahan yahay in lala socodsiiyo Guddiga Cuna-qabataynta Hubka ee Qaramada Midoobey.

Tusaale ahaan, mashaariicdan waxa ka mid tababarida
iyo ka bedelida hubka ee unugga ciidanka booliska khaaska ah. Ku tala galka sannadada 2011 iyo 2012 waxa noo qorshaysan in aanu siino taageero dheerad ah oo la xidhiidha aminga Somaliland. Hadaba si aan u yarayno in mashruuc kasta goonidiisa aanu idinku war gelino, ayaan waxan jeclaystay in hal mar aan kugu war geliyo, si guud ahaaneed dhammaan qorshahayaga taageero.
Qorshayaasha hoose waxay ka tarjumayaan taageerooyinka suurto galka ah in aan u fidino Somaliland:
– Hawl gelinta khubaro militeri iyo kuwo rayid ah, si ay sameeyaan,
una kormeeraan qorshe dib-u-habayneed.

– Talo siin, waxbarsho, iyo tababarada la xidhiidha siyasadda difaaca,
qorshaynta, abaabulka iyo maaraynta oo ay ku jirto in xukunka
militeriga ay gacanta ku hayaan siyaasiyiinta rayida ah, ilaalinta
sharciga, la xisaabtanka iyo qayaxnaanta hab maamuleedka dowladda.

– Talo siin, waxbarsho, iyo tababarada ee la xidhiidha diyaarinta
miisaniyadeed iyo maamulka lacagta oo ay ku jiraan habka dalabka
badeecadaha, maamulka qandaraasyada iyo hanti dhowkra.

– Talo siin, waxbarsho, iyo tababarada la xidhiidha maamulka saadka iyo hantida oo ay ku jiraan ta  ma-guurtada ah iyo qalabku.
– Talo siin, waxbarsho, iyo tababarada la xidhiidha maamulka shaqaalaha oo ay ku jiraan qorista ciidanka, dalacsiinta, magacaabista, iyo hawl gabnimada.

– Talo siin, waxbarsho, iyo tababarada la xidhiidha diyaarinta militeri
rasmi ah oo ay ku jiraan hanaanka xeeladaha dagaal iyo masuuliyadaha saraakhiisa.
– Kormeerida iyo bedelaada qawaaniinta militeri iyo qalabaka (si loo

 

hagaajiyo aminga iyo si looga saaro waxyaalaha khatarta ah).
– Dhisidda iyo dayactirka dhismayaasha oo ay ku jiraan guryaha hooyga ah, tababarada, iyo kaydinta.

Qaar ka mid taageeradan waxay u baahnaan doonta oggolaanshaha Guddiga Cuna-Qabataynta ee Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, kuwaas oo aanu weydiisan doono hadba markii iyo sidii loogu baahdo. Waxan rajaynaya in aad nala qabto aragtidayada ee ah faa’iidada ay taageeradayadu u keeni karto amniga gobolka.

Haddii aad qabto wax suaalo ah haddeer ama mustaqbalkaba, waxan si farxad leh kuugu jawaabi doona. Marka ay sugnaato nabadda iyo deganaanshaha Muqdisho iyo Bartamaha iyo Koonfurtu, waxaanu tixgelin doona in aan taageeradan oo kale siino hay’addaha mudan ee hoos yimaada Dowladda Ku-Meel Gaadhka ah.

Waxan aad kuugu mahadin lahaa, haddii aad iigu soo jawaabto qoraal ahaan in aad ku qanacsan tahay iyo in aadan waxba ka qabin soo jeedinta taageerayada.
salaan Diiran oo Wacan.
Matt Baugh:

 

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *