Hargeysa(ANN) Ciidamada aamanka Somaliland oo maalmahan ku jiray heegan dheeraad ah iyo baadhitaano lagu hubinayo gaadiidka iyo dadka saaran ayaa xalay xili danbe hawlgal ay ka sameeyeen Xaafada qudhac-dheer eoo ku taall duleedka Total ee

Koonfurta Magaalada Hargeysa kusoo qabtay koox ku jirtay Huteelka Hurdada ee Bidhaan oo ku yaal xaafaddaa iyo dad kale oo laga qabtay Guryaha u dhow Huteelka. 

Qaar ka mid ah dadka xaafada, ayaa u sheegay shebekada wararka ee araweelonews inay ku war heleen dhawaaq rasaas ka dhacday halkaa iyo dhaqdhaqaaq ciidamada amaanka ah, waxaana markaa ka dib soo baxday in Huteelka Bidhaan laga qabtay ilaa sideed qof oo deganaa, kuwaas oo aan ujeedada loo qabtay iyo halka ay ka yimaadeen cidna la socon. sidoo kale Ciidanka ayaa mudadii ay hawlgalkaa ku jireen qabtay Askari ka mid ah Ilaalada Madaxtooyadda Somaliland oo magaciisa lagu sheegay Cali Xasan Caaggane (Ilaka Case), kaas sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah eheladiisu laga qabtay guriga uu degnaa oo ku yaal agagaarka Huteelka laga qabtay kooxdaa.

Ehelada Askarigaa ayaa sheegay in aanay ilaa hada ogayn ujeedada loo qabtay askarigaa iyo waxa lalal xidhiidhiyay qabashadiisa, waxayna sheegeen in la geeyay saldhiga dhexe ee Hargeysa oo loo diiday inay arkaan.
Dhinaca kale Hay’addaha amaanka Somaliland ayaan waxa jawaab ah ka bixin dadka la qabtay iyo falalka qabashadooda lala xidhiidhiyay, waxayna saraakiil ka gaabsaday in magacooda la xusaa u sheegeen shebekadda araweelonews in dadka la qabtay lagu wado baadhitaan la xidhiidha falalka loo qabtay oo aanay ka hordhacayn.

hawlgalka ayaa kusoo beegmay iyadoo ay maalmihii laga dareemayay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa dhaqdhaqaaq ciidamada amaanku ku hubinayaan gaadiidka iyo dadka, kuwaas oo habeenkii wadooyinka waaweyn ee magaalada si weyn uga muuqday, iyadoo ay jireen dad sidan oo kale meelo kala duwan laga qabtay oo aan la ogayn sababaha loo qabtay.

Sidoo kale Ciidamada Somaliland ayaa ku qabtay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay laba Nin oo midkood lala xidhiidhiyay inuu ku lug lahaa shirqool dil ah oo Feb, 15 koox hubaysani magaalada Garoowe ku khaarajiyeen Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo lagu naanaysi jiray (Gacamey) , isla markaana oo ka mid ah culimadda caanka ah ee Soomaalida.

Dhinaca kale sida ay sheegayaan Tibaaxo la xidhiidha hawlgaladaa oo shebekada wararka ee Araweelonews heshay ayaa sheegaya in hay’addaha amaanka ee Somaliland ka war heleen qorshayaal lagu waxyeelaynayo amaanka iyo xasiloonida Somaliland oo lala xidhiidhinayo inay kaga soo maqan yihiin Somaliland dhinaca kooxda Al-shabaab hawlgalo aan la ogayan nooca ay yihiin iyo halka ay ku jihaysan yihiin, balse sida ay xoggaha qaar tibaaxayaan laga war helay, isla markaana ay ciidamada amaanka Somaliland iyo Hay’addaha sirdoonku la socdaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *