Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa markii u horraysay ka hadlay mawqifkiisa ku waajahan furashadda ururadda siyaasadda iyo  shirqoolo uu sheegay inay Qaramada Midoobay u maleegayso Somaliland  iyo

xaaladda guud ee dalka.
Guddoomiye  Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey xidhitaanka kal-fadhigii 43aad ee Golaha Guurtida oo shalay la soo gunnaanaday, ayaa isaga oo ka hadlayey mawqifkiisa la xidhiidha furashada urarrada siyaasadda, waxa uu sheegay in laga dhursugo go’aanka guddida tallo-bixintu ka soo saarayso furashadda ururrada, isla markaanna aanay haboonayn in la dhexgalo ilaa iyo inta ay soo baxayso natiijadda guddida madaxweynuhu u saaray ka tallo-bixinta ururradda.
Waxa kale oo Guddoomiyaha guurtidu ka hadlay arragtidiisa ku waajahan shirka Qaramada Midoobay abaabulayso ee la doonayo in kooxaha Soomaalida loogu qabto Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo loo muddeeyey inuu bilaabmo 12 April 2011, waxaannu ka digay saamaynta shirkaasi ku yeelan karo Soomaaliya iyo Somaliland.
“Innagu (Somaliland) waynagii beri hore wado gaar ah qaadanay, shirkaa Qaramada Midoobay waddo ee Kenya ka dhacayaana waxa uu noogu muuqdaa in intii kale (Soomaaliya) la googaynayo, wayna sii kala fogaynayaan. Madaxweynuhuna wuu ku dhawaaqay oo wax shuqul ah kuma lihin shirkaasi ayuu yidhi. Xiitaa dawladdii daciifka ahayd ee Soomaaliya waxay tidhi ma imanayno (Shirkaasi), waxaan kaloo maqlayey Jabuutina way diiday. Waxanina waa hindise oo isaga (Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya) oo aan wixii dhuuxin oo aan darsin ayaad moodaa inuu dabin galay.
Arrintaasi (shirka Nairobi ka dhacaya) inama khusayso, laakiin waxay innaga khusaynaysaa wixii ka soo baxaya ee walaalaheen khuseeyaaba waa jaarkeena oo waa walaalaheen oo wixii ka soo baxaa way inna saamayn kartaa xumo iyo samaba. Laakiin innagu (Somaliland) kuma jirno. Isagana (Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya) waxaannu ka codsanaynaa in aanu dhibaatada jirta dhubaato ku sii kordhin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.
Kal-fadhigii 43-aad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah loo soo gebagebeeyay, iyadoo goluhu gali doono fasax labada bilood ah oo ka bilaabmaya Sabtidii Shalay
Waxa shirguddoonku ka xogwaray waxqabadka golaha intii uu socday kalfadhiga 43aad, iyo dedaaladii Golaha Guurtidu ka galay nabadaynta beelaha ay dhexmareen khilaafyadu,, isla markaana ay ku guulaysteen daminta shaqaaqooyinkii ka dhacay deegaannada Ceel-Bardaalle iyo Kalshaale oo Golaha Guurtidu qayb weyn ka qaatay soo afjaridoodii, isla markaana lagu guulaystay in heshiis nabadeed la dhex dhigo beelaha walaalaha ee colaaduhu ka dhex oogmeen.
Dhammaadka kalfadhiga 43aad ee Golaha Guurtida iyo fasaxa labada bilood ah ee xildhibaannadu galeen, ayaa ku soo beegmay xilli abaaro qalafsan iyo biyo la’aan baahsani ka jiraan guud ahaanba gobolada dalka.

Araweelonews  Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *