Lagos (ANN)Diyaarad ayaa ku dul bur-burtay  dhismayaal  ku guryo ku yaala xaafad ku talaa magaalada Lagos ee  dalka Nigeria maanta. Diyaaradaa oo siday  dad rakaab ah, waxaa ku dhintay 153 qof oo saarnaa diyaaradaa rakaab ah, balse lama sheegin dad deganaa

dhismahaa iyo kuwo ka ag dhowaa oo ku dhintay shilkaa.
Madaxweynaha Nigeria, Good luck Jonathan,  ayaa ku dhawaaqay in saddex cisho oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii ku dhintay shilkaasi, sidoo kale wuxuu  amray in baadhitaan lagu sameeyo wixii sababay masiibada shilkaa.
Saraakiisha hay’adda Duulimaadka ee Nigeria,  ayaa sheegay in diyaaradda bur-burtay  ay  leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Dana, taas  oo kasoo duushay Axaddii magaalada Abuja kuna socotay Lagos, balse markii ay soo gaadhay Lagos  ay ku dul-burburtay guri dhisme laba dabaq ah oo ku yaala xaafad ay dadku aad u dagan yihiin, iyadoo markaa ka dib  dab u qabsaday guryo kale oo meesha ku yaalla.
Shirkadda diyaaradaha ee Dana oo  ah shirkad duulimaadyada  diyaaradeheedu gudaha dalka isaga gooshaan, ayaa  leh dhowr diyaaradood oo nooca Boeing MD-83 ah, kuwaas oo sameeya dullimaadyo qaata  4 saacadood oo ay u kala duuleen  Abuja iyo Lagos.
Ilaa hada lama garanayo sababta diyaaradu ugu dhacday dhismahaa, balse madaxweynaha dalkaa ayaa sheegay inay baadhayaan sababta keentay shilkaa oo uu ku tilmaamay mid masiibo ah.

Araweelonews Mobile

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *