Islamabad (Araweelo News Network) Afhayeen u hadlay Daalibaan ayaa xaqiijayay in weerar dhinaca cirka ah lagu dilay Hogaamiyihii Ururka Dalibaan ee Pakistaan

 

Sheekh Xakiimullaah Maxsuud, kaas oo ku dhintay maanta weerar diyaaradaha Maraykanka ee Droneska ee aan duuliyaha lahayn ku qaadeen guri uu deganaa oo ku yaal gudaha dalka Pakistaan.

Hoggaamiyaha Daalibaan ayaa dhawaan wareysi uu siiyay Telefeshinka BBC-da wuxuuna ku sheegay in Ururkiisu diyaar u yahay wadahadal uu lagalo dowladda Pakistan haddii ay ajiibto shuruudo ay ku xidheen wada hadalkaa, balse dilka hogaamiyaha Daalibaan ayaa u muuqda mid sii fogayna in Daalibaan wada hadal la galaan dawlada Pakistaan.

Sidoo kale Dilka hogaamiyaha Daalibaan ayaa dhabarjab ku naqan ah dadaallo ay xukuumadda Pakistan ku doonaysay in ay Mareykanka kaga dhaadhiciso joojinta duqeymaha diyaaradaha Drensku ku dilaan duqaymaha muwaadiniinta Pakistan.

Xakiimullaah waa Hoggaamiyihii labaad  ee Ururka Daalibaan  ee Pakistan duqeyn lagaga  dilay, iyadoo  Sheekh Beytullaahi Maxsuud oo larumeysanyahay in uu ahaa aas-aasihii Daalibaanka Pakistaan sidan oo kale duqayn lagu dilo.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *