http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2013/04/bre1.gifHargeysa(Araweelo News Network) Kulan qaatay dhawr sacadood ayaa saaka ku dhexmaray qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Hogaaanka Xisbiga Kulmiye, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii xal loogu heli lahaa khilaaf ka dhashay gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye oo

 

kala qaybsamay ka hor intii aan la gaadhin hawshii loo xil saaray.

 

Ma jiro ilaa hada war rasmi ah oo dhinacyada Madaxtooyadda iyo Gudoomiyaha Kulmiye kasoo saareen kulankaa, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo markii ay kala hadleen arrintaa Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye ku xigeenka Maxamed Kaahin Axmed uu xalinta arrintaa iyo go’aanka ay ka qaadanayaan tahay mid gudoomiyuhu awood u leeyahay. Sidaa awgeed iyaga hogaan ahaan looga baahanyahay in ay xal u helaan oo uu ku garab istaagayo ka Madaxweyne ahaan wixii ka gaadhaan.

sidoo kale waxay wararka hordhaca ah sheegayaan in aanay kulankaa ka madhnayn tabashooyin ay hogaanka Kulmiye kaga hadleen dhacdooyinkii fadeexada ahaa ee koox wasiiro uu hogaamiyo wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo adeegsanaya awooda dhaqaale iyo xilka uu qaranka u hayo ku khasbay in gudida qayb ka mid ay doortaan gudoomiye, gudoomiye xigeen, xoghaye iyo Afhayeen iyadoo aanay arrintaa waxba kala socon hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo qayb ka mid ah gudida qaban-qaabada, taas oo Madaxweyne Siilaanyo ku afgobaadsaday inay ahayd arrin khaldan oo aan loo baahnayn.

Wuxuuna balan qaaday inuu talllaabada ku haboon ka qaadayo marka uu helo cadaymo muuujinaya in xubnaha wasiiradda xukuumaddisu faragelin ku samaynayaan arrimaha xisbiga, isla markaana u adeegsanayaan awood dhaaale, isagoo xusay in xukuumad ahaan ay dhexdhexaad ka noqonayaan arrimaha xisbiga iyo doorashadiisa, balse weedhaha Madaxweyne Siilaanyo ayaa u muuqda kuwo af gobaadsi ah oo dublamaasiyadeed, balse waxa cad in tallaabadii kooxda wadaada awooda xukunka hore ugala wareegay Madaxweyne Siilaanyo ee doonaya inay inqilaabaan hogaanka xisbiga ay weji gabax ku noqotay tallaabadii ay todobaadkii hore qayb ka mid ah gududa qaban-qaabada shirweynaha qol madaw isugu geeyeen, kuwaas oo ay ku khasbeen inay doortaan hogaan, taas oo hogaanka Xisbiga iyo qaybta ka maqnayd kulankaa ee gudida qaban-qaabadu  ku tilmaameen mid aan sharci ahayn oo aan soconayn.

 

si kastaba ha ahaatee Hogaanka Kulmiye ayaa la filyaa inay war  murtiyeed kasoo saaraan kulnkaa iyo wixii kasoo baxay, wixii kasoo kordha kulnkaa goor dhow kala soco shebekada Araweelo News Network

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *