Kismaayo(Araweelo News Network)Ciidammada Kenya ayaa sheegay inay weerar cirka ah ku qaadeen saldhig ay Al Shabaab ku leedahay meel u dhaw magaalada

Diinsoor ee gobolka Baay.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay ciidammada Kenya, waxay dileen ilaa 300 oo ka tirsan dagaalyahanka Al Shabaab. Sidoo kale Afhayeenka u hadlay ciidamada dawlada Kenya waxay sheegteen in weerarkaa oo diyaaradahooda dagaalku qaadeen saldhig Al-shabaab ku leedahay Diinsoor ay ku burburiyeen dhawr baabuurta dagaalka ah.

Hase yeeshee Al-Shabaab ayaa beenisay weerarkaasi ciidanka Kenya sheegteen, waxayna ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin.

Dhinaca kale Ciidamada Al-shabaab ayaa xalay weeraro hor leh ku qaaday xarumo muhiim ah oo kuyaal magaalada Kismaayo xilli uu shalay magaaladaa gaadhay wafdu uu hoggaaminayo  Madaxweynaha dawlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma jiro war madax-banaan oo la xidhiidha weerarada iyo khasaaraha ka dhashay, balse Wararka ka imaana Kismaayo ayaa sheegaya in dagaallo ay ka qeyb qaadanayeen gaadiidka dagaalka ay ka dhaceen xarunta jaamacadda Kismaayo oo ay deganyihiin ciidanka Kenya iyo madaxtooyada Kismaayo oo shalay ladajiyay wafdiga Xasan Sheekh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas waaweyn  iyo madaafiic  xalay si weyn looga dareemay magaalada Kismaayo, kuwaas oo dhinaca Madaxtooyada Kismaayo ku beegnaa.

Dhinaca kale Wararkii ugu dambeeyay laga helay deegaanka Kismaayo oo isgaadhsiinta hawada laga saaray kadib markii shalay  uu halkaa gaadhay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo maanta ku laabtay magaalada Muqdisho.

Warar kale  ayaa sheegaya in ciidanka Kenya ay saaka soo kiciyeen diyaaradaha dagaalka, iyagoo daba socday  Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo xalay weeraro ka fuliyay magaalada Kismaayo, wuxuuna afhayeen u hadlay Ciidmada Kenya sheegay inay diyaaradohoodu burburiyeen saldhig la rumaysanyahay in uu ka mid yahay saldhigyada Al-shabaab weerarada kasoo qaadeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *